“Ha is-adkayn Hana Nacasoobin,” Trump

0

“Ha is-adkayn Hana Nacasoobin,” Trump

Madaxweynaha Maraykanka Mr Donald Trump ayaa 9-kii bishan warqad u diray madaxweynaha Turkiga Mr Reccep Tayyip Erdogan waxaanay xambaarsanayd hanjabaad iyo wax sheegmo kale.

Warqadda oo warbaahintu heshay ayaa noqoto mid si weyn saxaafadda iyo bulshadu u xiisaysay erayada ku qorna si balaadhana loogu faafiyay baraha bulshada.

Trump wuxuu ku yidhi Erdogan “”Aan ka wada shaqeyno heshiis fiican! Ma dooneysid in aad masuul ka noqotid dilka kumannaan qof, anigana ma doonayo in aan masuul ka noqdo burburinta dhaqaalaha Turkiga – Waana sameyn doonaa.”

Waxa kale oo uu intaasi raaciyay isaga oo Erdogan la sii hadlaya “Taariikhda sida aad dooneyso ayey kuu xusi doontaa haddii aad midda saxda ah iyo qaabka wanaagsan aad u sameyso tan. Weligaa waxaad noqon doontaa qof xun, haddii wax wanaagsan aanay dhicin.”

Mr Trump oo sii wata wax u sheegidda Erdogan ayaa yidhi ” Ha iska dhigin nin adag. ha noqonin nacas,” sidaas ayuu qoraalkiisa ku gabo gabeeyay.

"Ha is-adkayn Hana Nacasoobin," Trump

Hase ahaatee ciidamada Turkigu kadib warqaddan waxay bilaabeen duullaan culus oo ay ka gaysteen gudaha Suuriya waxaanu Trump culays siyaasadeed kala kulmaya gudaha Maraykanka markii si weyn loogu dhalliilay tallaabada uu ciidamada Maraykanka kaga saaray Suuriya ee fursadda siisay Turkiga.

Sayruuqnews

Comments

comments

Leave a Reply

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.