IPRT oo Aqoon is-waydaarsi la Xidhiidha Hanaanka Saxaafada Xorta ah iyo Dimuqraadiyadda u qabatay Guurtidda

0

Hargeysa (sayruuq)Hay’adda IPRT ayaa aqoon-isweydaarsi u qabatay ku saabsan xorriyadda saxaafadda u qabatay 25 xildhibaan oo ka ka tirsan Golaha Guurtida Somaliland, kaasoo ka qabsoomay Hotel Maansoor, iyadoo ay maalgalinayso hay’adda IMS-FOJO. Kulankaasi oo ahaa mid si heersare ah loo soo agaasimay,  ayaa waxa halkaasi ugu horrayn ka hadlay Cabdillaahi Xassan Cabdillaahi oo ka mid saraakiisha hay’adda IPRT oo ka warbixiyay ujeedadda aqoon-isweydaarsiga,  “Kulankani waxa uu sidoo kale daaran yahay sida golayaasha xeer-dejintu uga faa’idaysan lahaayeen saxaafadda sidii ay u gaadhi lahaayeen dadweynaha wakiilka ay ka yihiin. Sidii loola shaqayn lahaa saxaafadda iyagoo sharciga lagu ilaalinayo, lagana ilaalinayo in sharciga ay ku xadgudubto.” Mr. Cabdillaahi waxa uu sidoo kale, sheegay inay rajaynayaan inay kulankan ka soo bixi doonaan qodobo wax ku ool ah.Waxa la guda-galay doodahii iyo ujeedooyinkii kulanka, halkaas oo lagu sharaxay saxaafadda xorta ah, masuuuliyaadka iyo waajibaadka saaran, sida loogu baahan yahay inuu sharcigu u ilaaliyo, saxaafaddana looga fadhiyo ku dhaqanka xeerka, kuna xag-gudbin. Waxa halkaasi doodahooda ka dhiibtay xildhibaanadda oo faaqiday waxa looga baahan yahay saxaafadda xorta ah, sida ay u ilaalin karto ee udub-dhexaadka ugu tahaya nabad-galayadda qaranka. Waxaanay halkaasi lagu naaqishay caqabadaha horyaala saxaafadda ee dhinaca sharciga, gaar ahaan iyadoo illaa hadda lagu dhaqin xeerka saxaafadda balse loo cusukado xeerka ciqaabta marka kiis lagu soo oogo, kaasi oo meel ka dhac ku ah xorriyadda saxaafadda iyo Xeerka Saxaafadda Somaliland.Waxa sidoo kale, xildhibaanaddu ay xadgudubyadda ay sheegeen inay saxaafaddu ku kacdo, gaar ahaan dhinacyadda anshaxa, oo ay tilmaameen inay saxaafadda ku jiraan dad badan oo mihnadda aan aqoon u lahayn, kuwaas oo marar badan ku kaca falal anshaxa saxaafadda baalmarsan. Waxa kale oo ay sheegeen inay taasi tahay mid halis galin karta nabadglayadda iyo amniga guud ee dalka.Waxa isna ka mid ahaa xubnaha lagu soo casuumay kullankaasi Guddoomiyaha SOLJA, Mr. Maxamuud Jaamac Xuuto, oo ka warbixiyay sida loogu baahan yahay in la helo xeer lagu dhaqo saxaafadda ee looga deyn lahaa adeegsiga xeerka ciqaabta. Waxaanu sheegay in inbadan ay ka hawl-galeen sidii loo joojin lahaa, isla markaana aanay jirin wax uu soo kordhinayaa. Isagoo xusay in xadhigu saxafiga uu magac iyo maamuus u sameeyo, balse aanu soo kordhin, sidaa darteed haddii loo baahan yahay in saxaafadda sharciga lagu ilaaliyo in xeerka loo raaco, kaas oo dhigaya in aan markaba la xidhin ee dacwadda lagu oogo isaga oo suxufigu dibadda  jooga. Taas oo haddii lagu helo keeni karta in ganaax lacageed lagu xukumo, taasi oo marka la eego xaaladda dhaqaale ee haatan ay ku sugan yihiin inta badan aanay awoodeyn in ay iskaba bixiyaan, kagana culays badan xadhiga.Mr. Xuuto waxa kale oo halkaasi ku soo qaatay doorkii ay saxaafaddu ka qaatay nabadeyntii iyo hub-ka-dhigistii qaranka, oo uu xusay inay wargeysyaddi wakhtigaa jiray dhiirigalin toos ka ahaayeen sidii ay dadku qoriga u dhigi lahaayeen isla markaana qalinka uu qofku u fahmi lahaa inuu badheedahiisa ku dhiibto. Waxa kale oo uu tilmaamay, dhinac nabadgalayadda sida ay saxaafaddu uga qayb-qaadato, gaar ahaan marka ay colaaddaha beelahu taagan yihiin, taasi oo daminteeda ka qayb-qaataan. Mr. Xuuto waxa kale oo intaa ku daray, inay si joogta ah u wadaan kor u qaadida aqoonta suxufiyiinta, gaar ahaan dhinacyadda anshaxa ee mihnadda saxaafadda.Ugu danbeyn, waxa halkaasi ka hadlay Xildhibaan Maxamuud Xareed Rooble oo u mahad naqay hay’adda IPRT, ayaa kulanka noocan oo kale oo ku tilmaamay mid loo baahnaa, waxaanu xusay inay dhankooda ka qayb qaadan ddoonaan sidii saxaafadda loogu dhaqi lahaa xeerka, loogana ilaalin lahaa sidii aanay ugu xad-gudbi lahayn iyadoo xeerka la raacayo. Mud. Xareed waxa kale oo uu sheegay inay wada-shaqaynta saxaafadda ay la leeyihiin ay sii laban laabi doonaan, aqoon-isweyaarsigana ay wax badan ka barteen muhiimadda ay leedahay wada shaqayntoodu.

Hay’adda IPRT ayaa ka mid ah hay’addaha ka shaqeeya arrimaha saxaafadda, taasoo muddo dheer ka shaqaynaysay dhinacyadda tababaradda dhinaca warbaahinta. Iyadoo haatan wadda mashruuc ay maalgalinayso hay’adda IMS-fojo

Comments

comments

Leave a Reply

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.