Guurtida Soo Saaray Go’aan Mucaaradka Cabudhinaya

0
Guurtida Soo Saaray Go'aan Mucaaradka Cabudhinaya

Guurtida Oo Soo Saaray Go’aan Mucaaradka Cabudhinaya

Golaha guurtida Somaliland ayaa si buuxda u ayiday heshiisyada Somaliland la gashay dawladda isu tagga Imaaraadka Carabta.qodobo dhawr ah oo goluhu soo saaray ayuu beesha caalamka farriin ugu diray, islamarkaana ku baraarujiyay sida Somaliland u jeceshahay amniga mandaqada laakiin, aan sinaba loo aqbali Karin faro gelin kasta oo ku saabsan qarannimada Somaliland.

Mid ka mid ah qodobada golaha ka soo baxay ayaa u muuqda in loogu hanjabayo mucaaradka siiba xisbiga Waddani oo isagu dhalliilsan nidaamka heshiiska iyo saldhiga military ee Berbera laga siiyay Imaaraadka.

“Golaha guurtidu wuxuu go’aamiyay in cid kasta oo ka qayb qaadata, ku taageerta ama si uun uga gacansiisa xukumadda Soomaaliya dhaqdhaqaaqyada lidka ku ah jiritaanka iyo qarannimada Somaliland in loo aqoonsado cadow Qaran,” Sidaas ayaa lagu sheegay qodobkan oo aan lagu faahfaahin waxa ay noqon karaan falalka dambi qaran noqon kara.

 

Comments

comments

Leave a Reply

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.