Guulaha Madaxweyne Muuse Biixi Marka Laga Yimaado Siyasadiisa Aan Dhaliilo!

0

Guulaha Madaxweyne Muuse Biixi Marka Laga Imaado Siyasadiisa Aan Dhaliilo!

Runtii Wakhtigan Aynu Ku Jirno Ee 2021 Ilaa Intii Madaxweyne Muuse Biixi Talada Dalka Qabtay Shakhsiyan Waan Dhalilaa, Hadana Kama Tago Inaan Xuso Guulaha Siyasadeed Ee U Hantay Amaba U Leeyahay Sababtoo Ah Ma Ihi Siyasiyiintii Hore Ee Aay Kaga Dhegtay Dhaliisha Ee Waxaana Ahay Falan-qeeye Siyasadeed Oo Da’yar Kuna Saleeya Aragtidiisa Waaqica Anigoon Iska Indho Tirayn Wacyiga Siyasadeed Ee Taagan. Run Ahaantii Madaxweyne Muuse Biixi Wuxuu Furay Weji Cusub Oo Siyasadeed Taasoo Ah Inuu Fursadaha Siyaasiga Ah Siiyo Dhalinta Somaliland, Oo Uu Kor Ugu Soo Jiiday Masraxa Siyasadeed Isagoo Weliba Doorashadii Isku Sidkanayd Si Weyn Ugu Hagar Baxay.

Nasiib Xumo Lakiin Waxaad Mooda In Bulshadu Arintaa Iyada Ah Aanay Xusin Oo Indhaha Aay Ka Laliyaan, Lakiin Xaqiiqadu Waxay Tahay Madaxweyne Biixi Mar Qudhaata Ayuu Siyaasadii Dalka 360 Degree Wareejiyay. Iyadoo Weliba Guurtidu Ansixiyeen Xeerkii Nidaamka Ururada Iyo Asxaabta Siyaasada Xer.No 14.

Arimahan Aan Xusay Oo Dhami Waxay Muujinayaan In Madaxweynuhu La Jaan Qaadayo Dhalinta Somaliland Kana Jawaabayo Isbedelka Rabitaanka Shacabku U Oomanayeen, Iyadoo Asxaabta Xisbiyada Mucaaridku Weli Aanay Dareen Sanayn Halka Dabaysha Siyasadeed U Socota Iyo Sida Madaxweynuhu Sahanka Hawada Siyasadeed Ula Socdo.

Guntii Iyo Gebo-gebadii Hada Madaxweyne Muuse Biixi Wuxuu U Baahan Yahay Keliyaata Aragtidayda Team Cusub Oo Kala Hawl Gala Ololaha Doorashada Madaxweyne Ee Soo Socota Inuu Xusho Sababtoo Ah Sida Hada Muuqata Afar Tii Sano Ee Uu Talada Hayay Wuxuu Ka Sifaynaayay Saaxada Siyaasada Kooxihii Hore Ee Saaxada Siyaasada Ku Jiray Kuwaas Oo Ahaa Qaar Khariban Runtii, Lakiin Madaxweynuhu Wuu Ka War Qabay Inay Kharibnaayeen Laakin Caqabadahooda Ayay Lahaayeen, Isagoo Ogsoon Ayuu Tartiib Tartiib Uu Saaxada Siyaasada Siyar-Siyar Uga Tirtiraayay Isagoo Kobcinaaya Aragtida Dadweynaha. Maanta Wuxuu Marayaa Wakhtigii Xisbigiisa Dhiig Cusub Uu Gelin Lahaa Maadaamoo Kooxdii Hore Ahayd ‘Bulldozer’ Tii Isbedelkan Siyaasadeed Ee Ugubka Ah Ee Uu Curiyay Uu Ku Dhidbay, Iyadoo Aay Dhami Siyaasiyiintii Hore Ee Waawaynayd Dhamaantood Ka Siibteen Salaanka Siyasadeed Ee Casriyaysan, Ee Uu Madaxweyne Biixi Hanansiiyay Saxada Siyaasada Jiilka Cusub.

W/Q Aden-Deeq

Comments

comments

Leave a Reply

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.