Guriga Boqortootadda Sucuudiga oo Khilaaf Ba’ani soo Kala Dhexgalay iyo Marxaladaha soo Socda Heerku gaadhi Doono

0
“Bin salmaan ayaa lahaa qorshaha lagu dilay Weriyaha rajadii aan ka qabnayna hoos ayey u dhacday”Lindsey

Siyaasadda Aal Sacuud wax badan baa innaga galay, waayo saamayn laxaad leh ayay ku lee yihiin nolosheenna dhaqaale iyo fikir diineed. Haddaba isbeddellada ka socda waa in aynnu isha ku haynnaa.

Nin dhashay sannadkii 1985 la guna magacaabo Dhaxalsuge Maxamed bin Salmaan Aal Sacuud ayuu casrigiisii maanta bilawday. Dhaxalka boqornimada xaq u ma lahayn ee wax uu ka riixday ina adeerkii Ina Naa’if, taas oo ah wax ka dhaca dhaqankooda.

Ninkani haddaba isaga oo aan weli xilkii boqornimada gaadhin wax uu la yimid dardar yaab leh oo tiirar waaweyn dalkiisa gilgishay. Maanta oo u dambaysay wax uu qabqabtay madax aad u tiro badan oo ay ku jiraan 11 wasiir hore, uu ka mid yahay wasiirkii hore maaliyadda ee awoodda badnaa. Ragga la qabqabtay waxaa kale oo ka mid ah al-Waliid bin Dalaal oo ah amiirka haysta hantida u gu badan Sacuudiga. Dadkan oo dhan waxaa la gu eedeeyay musuqmaasuq. Bishii tagtay waxaa shaqada la ga eryay kumannaan wadaad oo Wahaabi ah, boqollaal ka mid ahna xabsiyada ayaa la gu guray. Dumarka waxaa loo fasaxay baabuur wadidda iyo golayaasha isboortiga, waxaana gabadha la siiyay xaqa ah in ay wax dooran karto lana dooran karo (gole shuuro oo dhalanteed ah baa jira Sacuudiga). Sidii aynnu ogayn waxaa la dhisay Hay’ad culimo oo fahanka iyo fasirka diinta dib u qori doonta. Arrimahaas oo dhan ujeedkooda iyo saamayntoodu waa ay isku wada xidhan tahay, waana in dhaqanka bulsheed, fikirka diineed iyo maamulka dawladeedba la furfuro.

Maxay sidani u dhacaysaa waqtigan haddaba? Ilaa heerkee ayay se furfuriddani gaadhi doontaa?

U gu horreyn aynnu yara xusuusanno taariikhda dawladda Aal sacuud oo saddex marxaladood lahayd. Dawladdoodii u gu horreysay wax ay asaaseen 1744, wax ayna dhacday 1818. Haddana mar kale ayay dib u soo ceshadeen sannadkii 1824, taasina wax ay ka duntay 1891. Labadaa jeerba dawladoodu wax ay ku koobnayd degaan yar oo ka mid ah dhulweynaha Sacuudiga ee ay maanta ka taliyaan. Haddaba sannadkii 1902 ayuu mar kale nin karti badan oo la gu magacaabi jiray Cabdicasiis bin Sacuud degaanka Riyaad ka asaasay dawladdoodii saddexaad, oo ah tan aynnu maanta aragno oo soo martay marxalado iyo duruufo badan ilaa ay sidan u ekaatay.

Laba ammuurood ayaa haddaba dawladdan dambe ee Aal Sacuud xoojiyay cimrigeedana dheereeyay. Ta hore waa qoyskan oo la gaashaanbuuroobay qoyska Aal Sheekh, kaas oo si macangagnimo ah u meelmariyay mad’habta Wahaabiyada oo awowgood Maxamed bin Cabdiwahaab hindisay. Qoyskani wax ay yeesheen gebi ahaanba awoodda arrimaha diinta, taas oo ay dantooda qoys ahaaneed ka sokow u gu adeegeen ilaalinta dawladda gaashaanbuurtooda Aal Sacuud. Sidii bay ilaa maanta labadaa qoys isu gu maran yihiin oo dadka intiisii kale u bahdilaan.

Ta labaad ee dawladda saddexaad ee Aal Sacuud cimri dheeraysay waa saliidda xaddiga badan ee gaaladu dhulkooda ka heshay, taas oo isku mar siisay lacag caqliga ka baxsan oo ay dawladdooda ku xoojiyaan iyo ilaalinta gaalada oo ay isku dan noqdeen.

Haddaba maanta tallaabooyinka waaweyn ee uu ina Salmaan dalka ku furfurayaa waa amar qasab ah oo ka yimid gaaladii ilaalin jirtay. Waayo Maraykan, Yurub iyo Israai’iil wax ay u arkeen xidhxidhnaanta bulsheed iyo diineed in ay soo waddo wax ka weyn argagixisada ilaa imika la ga arkay. Aal Sacuud waxaa loo gu hanjabay hadddii aanay sidaa yeelin in dhulka la la simi doono. Xitaa afgembi uu Maxamed kani ina adeerkii ku sameeyay caddaanka ayaa la waday.

Wayddiintu haddaba wax ay tahay, furfuridda sidan ah ma isku seegi karaan Aal Sacuud iyo Aal Sheekh? Maya, u ma badna sidaas, waayo ma ka la maarmi doonaan weligood. Aal Sheekh cimaamadaha cascas ee ay hagoogan yihiin diin ahaan u ma sitaan ee waa astaan iyo awood ay qoys ahaan yeesheen oo maaddi ah oo ay dawladda Aal Sacuud ku heleen. Boqortooyaduna ka ma maaranto in qoyskaa diinta u gu shaqaysato oo iimaanka dadka ku gumaysato. Kol haddii dhulkii barakaysnaa meesha ku yaallo ka maarmi maayaan in ay dawladdooda diinta ku dhex munaafaqeeyaan.

Aan ku daree, haddaba yarkani wax uu furo iyo wax uu xidhaba, dadaalkiisu ma dhaafi doono inta reer Galbeedka raalli gelin karta iyo inta boqortooyadiisa sii xoojin karta. Sidaa darteed aad u ma furfuri doono siyaaasadda gudaha, awoodaha qoyska reer boqorna ma dhimi doono.

Waxaas oo dhan wax baa innaga galay.

Qalinkii Ibraahim Hawd

Comments

comments

Leave a Reply

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.