Gudoomiye Faysal Cali Waraabe Oo Ka Jawaabay Hadalo Kasoo Yeedhay Mujaahid Cali Guray Iyo Siyaasiyiin Kale Oo Xisbiga Ka Tirsan

0

Hargeysa(Sayruuq)-Gudoomiyaha xisbiga UCID Eng  Faysal Cali Waraabe oo goordhawayd saxaafada kula hadlayay hotel Ambassador ee magaalada hargeysa ayaa waxa uu  jawaab ka bixiyay hadalo manta kazoo yeedhay gudoomiye ku xigeenka saddexaad e xisbiga UCID Mujaahid Cali Guray iyo siyaasiyiin kale oo ka tirsan xisbiga UCID .

Waxaana uu gudoomiye Faysal Cali Waraabe uu hadaladan kazoo yeedhay siyaasiyiinta  ku tilmaamay waxba kama jiraan isaga oo dhanka kale sheegay inay xubno xisbiga kabaxay ayshirk qabteen waxaana uu yidhi.

“Horta waa nasiib darro wadanka uun bay kamid tahay waxa ka socda, horta nimankaa meesha fadhiyay ninka  Maxamed Cali la yidhaa xisbigaba kama tirsana  wuu ka baxay oo waxaan u dhiibnay arimaha dibada balse wuu kazoo baxi waayay,Cali Gurayna anaa magacaabay xisbigana wax alaale wuxuu ku darsaday ma jiro, mana haysto kaadhkii golaha dhexe,aniga uunbaa kumeel gaadh ahaan ugu magacaabay, awooda xisbiguna waa shirwaynaha xisbiga oo waxuu go’aamiyo ayuunbaa lagu socdaa, xoghayaha gole dhexena waa secratery, oo markaan shir fadhino ama shirwaynaha golaha dhexe wixii kazoo baxa uunbuu noo qoraa, xisbigana magaciisa waxa uu ku hadli kara saddex qof waa xoghayaha guud ee xisbiga,gudoomiyaha xisbiga iyo xoghayaha warfaafinta”Sidaas ayuu yidhi Gudoomiye Faysal Cali Waraabe

Gudoomiye Faysal Cali Waraabe isagoo wali hadalkiisa sii wata ayaa waxa uu intaa ku daray

“ninka yidhi lacag ayuu lunsadayna waxa weeyey Cali Guray, Calina waxa uu soo maray laba xisbi oo lacagta lagu cuni jiray,waa KUlMIYE oo lacag badan lahaan jiray iyo UDUB oo xukumadda ahaan jiray, waxaanad moodaa inuu nosoo shaqo tagay, lacagta kabka ah anaa ka masuula anaanay dawladu ila xisaabtamaysaa waxna lagama cun Ayaan odhanayaa markaa waxiisu wax kazoo qaad maleh , xisbigu sharci ayuu leeyahay, sharcigaa ayaa lagu soconayaa oo nidaam ayuu leeyahay waxii nidaamkaa ka baxsana nin iska hadlay weeye”Sidaas ayuu yidhi Faysal Cali Waraabe

Dhanka kale gudoomiye Faysal mar wax laga waydiiyay inuu gacan saar hoose la leeyahay dawlada iyo xisbiga Kulmiye isla markaan alooso adeegsanayo burburka xisbiga UCID  ayaa waxa uu ku jawaabay sida tan

“Horta gudoomiye u adeegaya gudoomiye kale waligeed taariikhda may dhicin aniga iyo xisbiga KULMIYE na waan tartamaynaa, hadii uu muuse damac yeeshay oo uu yidhi musharax baan ahay oo waan tartamayaan inuu xadiyo maaha oo meelahaa uu ka caytamo, KULMIYE iyo WADANI na laba xisbi weeye oo waan tartamaynaa, xisbiga UCID-na laba qof iyo saddex qof oo meelahaa ka haddlay waxba yeeli maayaan xisbiga sharci buu leeyahay kaasaana lagu kala soconayaa”

Dhankale gudoomiye Faysal Cali Waraabe waxa uu waxba kama jiraan ku tilmaamay inaan  xisbiga UCID ay masuuliyiintan I la tiigsan doonaan maxkmada waxaana uu yidhi.

“Way iska hadlayaane ma jiraan wax xisbiga maxkamad la gayn doonaa, xisbiguna xeer buu leeyahay hadii maxkamada la taggona xeerka uunbaa la akhriyi doonaa”Sidaad ayuu hadalkiisa kusoo koobay gudoomiye Faysal Cali Waraabe.

 

Sikasteba ha haatee waxa maalinba maalinta ka danbaysa sii kordhaya  khilaafka xoogan ee kadhaxeeya gudoomiye Faysal Cali Waraabe iyo musharax Jamaal Cali Xuseen.

Comments

comments

Leave a Reply

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.