Gudoomiye Cabdiraxmaan Cirro oo ku Gacan Saydhay 165 Maalmood oo dheeraad ah oo laga daba keenay Sanadkii Kordhinta ahaa ee Komishanka Doorashooyinka

0

Warka (Sayruuq News)Guddoomiyaha Xisbiga Mucaaridka ee Waddani Cabdiraxman Maxamed Cabdilaahi (Cabdiraxmaan Cirro) ayaa Sheegay in aanay ka Xisbi ahaan Aqbaleyn Mudada Shanta Billood iyo Shan iyo Tobanka Cisho ee Gollaha Guurtidu ku Dareen Sannadkii hore ee Komishanku ay kordhiyeen, waxaanu Sheegay in Xisbiga Waddani uu Aqbaleyn Muddo ka badan tii Komishanku Kordhiyey, Sidaasi waxa uu ku sheegay Shirjaraa’id oo uu ku qabtay Xafiiskiisa, ka dib markii Gollaha Guurtidu sheegtay in Saddexda Xisbi ay ku heshiyeen in Shan Billood oo dheerad ah lagu darroo sanadkii hore

Muddada komishanka qaranku ku daray waa sanad halka ay Golaha Guurtiduna kordhiyeen iyo Xisbiyaduba 175 Cisho oo dheeraad ah

Ugu Dambayntii Guddoomiye Cirro waxa uu Tilmaamay in Xisbiga Waddani uu Diyaar u yahay in doorashada uu gallo Bisha Junne 1 2016-ka.

Comments

comments

Leave a Reply

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.