Gudoomiyaha Xisbiga Waddani Oo Magacaabay Masuuliyiinta Heer Gobol iyo Xoghayaha Beeraha

0

Hargeysa(Sayruuq)- Gudoomiyaha Xisbiga Mucaaradka ah ee Waddani Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi Cirro,ayaa magacaabay Xilalka heer gobol iyo Xoghayaha Beeraha. Gudoomiiye Cirro ayaa xilalkan ku tilmaamay kuwo muhiim u ah Xisbiga islamarkaana loo baahnaa in la buuxiyo. Xilalka heer Gobol ee Waddani ayaa muddo banaanaa kadib markii Gudoomiyihii hore iska casilay.

 

Xisbiga Waddani

Ref/XIS/WAD/XDH/191/ 015                                          Date, 01/31/ 2015

 

Ku:Md.Siciid Muuse Cabdi (Bustaale )                             =Hargeysa=

Ku: Md. Maxamed Axmed Cabdiraxmaan                        =Hargeysa=

Ku: Md. Mawliid Muuse Dacar                                       =Hargeysa=

Ku: Md. Khadar Jamaal Maxamed                                  =Hargeysa=

Ku: Mahad Xaaji Faarax Axmed                                      =Hargeysa=

Ku: Cabdishakuur Xuseen Cabdi                                     =Hargeysa=

Og: Xoghayha Guud Ee Xisbiga WADDANI                      =Hargeysa=

Og: Guddda Fulinta Xisbiga WADDANI                             =Hargeysa=

 

Ujeeddo: Magacaabis Xilal

 

Markaan Darsay:                  Qod 28 Xisbiga WADDANI

 

Markaan Arkay:                    Baahida loo qabo In la buuxiyo Xilalka Xisbiga  ee

Gobolka Maroodijeex

Markaan la Tashaday:        Hogaanka Xisbiga

 

Waxaan Maanta oo taariikhdu tahay  31/01/2015  markaan tixgelinay soo jeedinta Guddidi uu magacaabay Gudoomiyuhu taas oo tixraaceedu ahaa Ref/XIS/WAD/XDH/1178/ 014  ee Dec.12/2014

Waxaa Hoggaanka Xisbigu u magacaabay Xubnaha hoos ku xusan in ay noqdaan Guddida Gobolka Maroodijeex.

Xubnaha Guddida

No Magac Xil
1 Siciid Muuse Cabdi (Bustaale ) Gudoomiye Gobolka
2 Maxamed Axmed Cabdiraxmaan Gudoomiye ku Xigeenka  1aad
3 Mawliid Muuse Dacar Gudoomiye ku Xigeenka  2aad
4 Khadar Jamaal Maxamed Gudoomiye ku Xigeenka  3aad
5 Mahad Xaaji Faarax Axmed Xoghayaha Gobolka
6 Cabdishakuur Xuseen Cabdi Khasnajiga Gobolka

 

Waxaan ilaahay ka baryeynaa in ay ku soo biirin doonaan xisbiga WADDANI fikirado wax ku ool ah iyo in ay ku soo kordhin  doonaan waayo aragnimadooda iyo khibradoodaba  ay u leeyihiin la dhaqanka dhaliinyarada Gobolka Gebiley ee Xisbiga WADDANI ay gaadhsiin doonan horumar.

 

Alla Mahad Leh

Md. Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro)

Gudoomiyaha Xisbiga WADDANI

Magacaabista Aadan Ruush

Xisbiga Waddani

 

Ref/XIS/WAD/XDH/189/ 015                                                                              Date, 01/31/ 2015

 

 

KU: Aadan Maxamed Diiriye  Cali                                                                           =Hargeysa=

OG: Xoghayha Guud ee Xisbiga WADDANI                                                         =Hargeysa=

OG: Guddida Fulinta Xisbiga WADDANI                                                              =Hargeysa=

 

 

Ujeeddo: Magacaabis Xil

 

Markan darsay:                    Qod 28 ee Xisbiga WADDANI

 

Markan Arkay:                    Baahida loo qabo In la buuxiyo jagada Xoghayha Beeraha

Ee Xisbiga WADDANI

 

Markan la Tashaday:          Xubnaha hoggaanka Xisbiga WADDANI

 

Markan ku Qancay:                         Waayo Aragnimada iyo aqoonta uu leeyahay Mudane Aadan

 

 

Waxaan Maanta oo taariikhdu tahay 31/01/2015  Hogaanka Xisbiga WADDANI go’aamiyey in Mudane Aadan Maxamed Diiriye Cali (Aadan Ruush)  uu noqdo Xoghayaha Beeraha ee Xibiga WADDANI

Waxaan ilaahay ka baryeynaa in uu ku soo biirin doono  xisbiga WADDANI fikrado wax ku ool ah iyo in uu  ku soo kordhin  doono  waayo aragnimadiisa iyo khibradiisa u gaarka ah.

 

Alla Mahad Leh

 

Md. Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro)

Gudoomiyaha Xisbiga WADDANI

Comments

comments

Leave a Reply

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.