Gudoomiyaha SOLJA Oo Shaqaddi Ka Eryay Agaasimihii isagoon ogeysiin Boardka Ururka.

0

Hargeysa(Sayruuq)Gudoomiyaha Ururka Saxfiyiinta Somaliland Md Maxamuud Jama Xuuto ayaa saaka shaqadii ka caydhiyey Agaasimaha Uruka saxafiyiinta somaliland md Rabiile ,kadib markii ay isku fahmi waayeen gudoomiyaha Mashaariic tiro badan oo soo gashay ururka .

Gudoomiye Xuuto ayaa adeegsaday awood ka badan ta uu siinayo Sharicga u qoran SOLJA ,Waxaanu ka hor yimid xeerka qorista iyo eryinta shaqaalaha Oo dhigaya inay ka  timaada xubnaha fulinta Boardka kadib ayey iman karta in shaqaale la eryo balse waxaa uu xuuto baal maray Sharcigii u yaalay SOLJA .

Sida ay ilo xogogaal ahi sheegayaan Xuuto waxaba kalamuu socodsiin Boardka Ururka Saxafiyiinta Somaliland oo mudooyinkii u danbeysay ku hawlana kala qeybisaga iyo isbursiga Mashaaricadda ka timaada Dibadaha oo lo asteeyey tayeynta iyo kobcinta saxafiyiinta somaliland oo u baahan kaalin wax ku ool ah in lala garab istaago .

isku soo wada duubo ficilkan Gudoomiyuhu ku kacay ayaan wali ka soo jawaabin Boardka SOLJA Oo mudo sannad ka yar shaqeynayay .

Sayruuq Staff Writer

Contact@sayruuq.com

Sayruuqnews@gmail.com

Hargeysa-Somaliland

Comments

comments

Leave a Reply

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.