Gudoomiyaha Jaaliyadda Somaliland Ee Gobolka Minnesota Oo Hargeysa Lagu Soo Dhaweeyey

0
Gudoomiyaha Jaaliyadda Somaliland Ee Gobolka Minnesota Oo Hargeysa Lagu Soo Dhaweeyey

Gudoomiyaha Jaaliyadda Somaliland Ee Gobolka Minnesota Oo Hargeysa Lagu Soo Dhaweeyey

Hargeysa(Sayruuq):-Gudoomiyaha jaaliyada somaliland ee gobolka Minnesota ee dalka Maraykanka Ismaaciil Axmed Jaamac (Sandheere) ayaa maanta soo gaadhay magaalada Hargeysa.

Gudoomiye Sandheere ayey madaarka magaalada Hargeysa ku soo dhaweeyeen masuuliyiin ka tirsan wasaarada arimaha debada somaliland, wakaalada qurba jooga iyo dadwayne kale.

Agaasimaha wakaalada qurba jooga somaliland Xasan Axmed Yuusuf kaas oo ka hadlay soo dhawaynta loo sameeyey gudoomiye Sandheere ayaa waxa uu yidhi “Waxaanu soo dhawaynaynaa gudoomiyaha jaaliyada somaliland ee gobolka Minnesota ee dalka Maraykanka Ismaaciil Jaamac Sandheere, waanan ku faraxsanahay inaan soo dhawayno.”

Sidoo kale agaasimaha wakaalada qurba jooga oo hadalkiisa sii wata ayaa ka waramay doorka gudoomiye Sandheere ugu jiro wadanka “Waxaan uga mahad celinaynaa gudoomiye sandheere doorka muhiimka ah ee uu ku leeyahay jaaliyada iyo dalkiisa, waxaana xusid mudan inuu kaalin muhiim ah inoogu jiro.”

Gudoomiyaha jaaliyada somaliland ee dalka Maraykanka Ismaaciil Axmed Jaamac(Sandheere) oo isaguna ka hadlay imaatinkiisa dalka ayaa ka mahad celiyey soo dhawayntii loo sameeyey waxaanu yidhi “Waxaan maanta ku faraxsanahay inaan dalkaygii hooyo ku soo noqday aniga oo mudo ka maqnaa, dareenkaygana lama soo koobi karo, waanan u mahad celinayaa cid kasta oo I soo dhawaysay ee madaxda wakaalada iyo xubnaha kale ee muhiimka ah ee qoyska ka socdaba, wixii kale ee xog ahna waynu kala qaadan doonaa.”

Comments

comments

Leave a Reply

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.