Gudoomiyaha Guurtida Oo Si Adag Uga Hadlay Farogalinta Siyaasadeed Ee Maamulka Puntland Ku Hayo Somaliland

0

Hargeysa(Sayruuq)-Gudoomiyaha Golaha Guurtida Somaliland mudane Saleebaan Maxamuud Aadan ayaa jawaab adag ka bixiyay qorshe maalinkii shalay ahaa baarlamaanka maamul goboleedka Puntland ay ku ansixiyeen inaanay doorasho ka qabsoomi karin gobolada Sool Sanaag iyo Cayn.

Waxaanu sheegay gudoomiyuhu hadii ay Puntland ay soo weerarto Somaliland inay difaacanayaan dalkooda iyo dadkooda oo aanay faraha baruuryo ku sidan.

Sidoo kale waxaa uu sheegay in aanay madaxda qaranka Somaliland ogeyn aqoonsaneyna wax dhul ah oo ay Puntland leedahay oo ku jira soonaha gobolada Sool iyo Sanaag
Saleebaan Maxamuud Aadan gudoomiyaha golaha guurtida Somaliland isaga oo arrimahaasi ka hadlaya waxaa uu yidhi “Anagu Somaliland hadii aanu nahay colaad mana rabno Puntlandna anagu colaad uma qabno hadiise dalka ay soo weeraran dalku difaaciisi waa uu leeyahay, hadii aanu nahay madaxdii qarankana baruuryo kuma heysano gacmaha dalka difaaciisa waala gali, Sool iyo Sanaag wax Somaliland ah oo tooda raacsan ma arko, mar hadii reer Somaliland is rabaan cidna waxba kama guri karto,

Comments

comments

Leave a Reply

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.