Gudoomiyaha Bangiga Dhexe Ee Somaliland oo Sheegay in Badhtamaha Bisha soo socota la furayo Baananka Islaamiga ah.

0

Hargeysa(Sayruuq)- Gudoomiyaha Baanka Dhexe ee Somaliland Cabdi Dirir Cabdi ayaa sheegay Bisha soo socota Badhtamaheeda la furayo Baananka Islaamiga ah. Waxa uu sidoo kale sheegay in Shirkadda Telesom ay isla Aff garteen in Adeegga Zaad loo badalo Shillinkga Somaliland.

Waxa kale oo uu meesha ka saaray in Lacag Xukumaddu soo daabacday oo ah Noodhadh toban kun ay jirto. “ Zaad-ka in mudo ah ayaanu wada hadlaynay, sidii ay Zaadkan Doolarka ah ugu bedeli lahaayeen Shillinka Somaliland. Alle mahaddii meel wanaagsan ayay hadda noo maraysaa, guulna waanu ka gaadhnay oo waa isla afgaranay inay dhawaan furan Xisbaabo Zaad ah oo Shillinka Somaliland ah.
Markaas waad aragteen oo waxay soo dhajiyeen Boodhadh ay ku sheegayaan inay furayaan Xisaabo Zaad ah oo Somaliland Shilling ah” ayuu yidhi Gudoomiyaha Bangiga dhexe.

Gudoomiyaha ayaa sidoo kale sheegay in Bangiyada Ganacsiga ay ku dhiiri galinayaan inay furan Xisaab Zaad ah. Waxa uu sheegay in Dadka dan yarta ah ay wax weyn u tarayso Zaad-ka Shillinka Somaliland laga dhigo, islamarkaana ay helayaan Lacag Shillin Somaliland ah, halkii ay Doolar Sarrif galaya qaadan lahaayeen. Waxa uu sheegay sidoo kale inay fadhiisin doonto Sixirka Doolarka oo marar badan kaca mararna hoos u dhaca.

Gudoomiye Cabdi Dirir Cabdi ayaa sheegay in Baananka Islaamiga ah laga furayo Somaliland bisha soo socota badhtamaheeda “Baananka Islaamiga ah Shuruucdoodii way dhamaatay, wali waxa taagan Shuruucdii kuwa Reer Galbeedka, Baarlamaankuna wali ma Ansixin. Waxaanu Rajaynaynaa wakhti aan fogayn oo ku siman marka Ramadaantu inaga Baxdo, inaanu furayno Baanankii Islaamiga ahaa oo uu u horeeyo Dahabshiil Bank International oo aanu filayno inay noqonayso Maalinta la furayo 15-ka Bisha soo socota. Waxaa ku xigaya Daarasalaam Bank, oo hadda ah Qolyahan Salaama Financial Service oo iyaguna SHuruudahayagii Buuxiyay.

Waxaanu iyadana furaynaa Augost, waxaanuna rajaynaynaa inay keenayaan horumar dhaqaale” ayuu yidhi Gudoomiye Cabdi Dirir. Gudoomiyaha ayaa Gabagabadii ka jawaabay Warar sheegayay inay soo daabaceen Noodhadh cusub oo Lacagta Somaliland ah, sida Toban Kun oo isku yaala oo warbaahintu baahisay, wararkaasi wuxuu ku tilmaamay kuwo aan sal iyo Raad lahayn. Waxa uu sheegay inaanau lacag Cusub oo aan Baarlamaanka Marin aanu Soo daabici Karin.

Comments

comments

Leave a Reply

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.