Guddoomiye Saleebaan Oo Socdaal Qarsoodi Ah Ingiriiska Ugu Baxay

0

Guddoomiyaha golaha guurtida Somaliland, Saleebaan Maxamuud Aadan, ayaa Axaddii dalka kaga baxay safar aan ujeedadiisa la sheegin. Socdaalka Saleebaan ayaa laga qariyay saxaafadda, waxaanu dalka ka baxay iyadoo uu aloosan yahay muran uu qayb ka yahay oo ka taagan wakhtiga la qabanayo doorashada madaxtooyada iyo Wakiillada.

 

Maalmihii u dambeeyay ayay Isbahaysiga Mucaaradka(Ucid,Waddani iyo Madashu) waxay ku doodayeen in la hirgaliyo heshiiskii saddexda xisbi qaran iyo xukumaddu ka gaadhay wakhtiga doorashado oo ahaa in dalka laga qabto doorashada December 2016, balse madaxweynaha oo ay arrintaasi uga fadhiyeen baan wax jawaab ah ka bixin.

Guddoomiyaha guurtida ayaa hor istaagay heshiiskaasi oo uu ku tilmaamay mid sharci darro ah, waxaanu golihiisa farray inay difaacaan muddo kordhinta ku astaysan March 2017-ka ee ay u sameeyeen Xukumadda iyo Wakiillada.

Guddoomiye Saleebaan ayaa haatan u socdaalay dalka Ingiriiska oo uu degen yahay, lamana oga wakhtiga uu qaadan doono socdaalkiisa oo uu inta badan ku tago Ingiriiska, waxaana fasax laba bilood ah ku jira golaha guurtida oo laga filayay inay qayb ka noqdaan xallinta is-maandhaafka xukumadda iyo xisbiyada.

Sidoo kale socdaalka Saleebaan ayaa imanaya iyadoo la filayo inay dalka yimaadaan wefti ka socda wadamada Somaliland ka taageera doorashooyinka iyo horumarka oo xal u raadinaya khilaafka ka taagan wakhtiga doorashooyinka. Wadamadaasi ayaa hore uga niyad jabsanaa wakhtiga guurtidu kordhisay oo ay u arkayeen muddo kordhin aan farsamo ku iman balse ay ahayd mid siyaasadeed.

Comments

comments

Leave a Reply

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.