Guddoomiye Saleebaan Oo Si Adag U Hadlay

0
Guddo“Ciidamada Laascaanood Baan Keeni Lahaa,” Saleebaan Hargeysa(Sayruuq) Guddoomiyaha golaha Guurtida Somaliland Mudane Saleebaan Maxamuud Aadan ayaa sheegay omiye Saleebaan Oo Si Adag U Hadlay
Saleebaan Maxamuud Aadan

Guddoomiye Saleebaan Oo Si Adag U Hadlay
Guddoomiyaha golaha guurtida Somaliland Saleebaan Maxamuud Aadan ayaa sheegay in Madaxweyne Biixi Afka ka dhawray in uu umadda u sheego in aanu doorasho qabanayn. Waxa kale oo uu Puntland ku bogaadiyay shaqo ay ka qabatay Badhan.

Guddoomiye Saleebaan oo furayay kalfadhiga golaha guurtida ayaa sheegay in golaha ay hawlo badan oo dalka oo dhan ahi horyaallan, islamarkaana colaado socdaan “Hawlo fara badan baa yaalla oo shuruuc ma aha oo malaha shuruucda laba inoo yaalla oo waa laba maalmood uun iyaguye dalka bari iyo galbeedba colaada ka socda,” Sidaas ayuu yidhi guddoomiye Saleebaan.

Guddoomiye Saleebaan waxa uu sheegay in doorashooyinka foodda inagu soo haya aanay jirin cid ka shaqaynaysa xukumad iyo Komishan toona “Waad maqlayseen madaxweynaha oo doorashooyinkii waanay taaggan yihiin wax hawl ah oo socotana ma jirto. Waa wakhtigeedii wax yidhaahda wakhtiga la gali maayana wali ma hayno laakiin, wax hawl ah oo inoo socda guddi doorashooyin iyo xukumad iyo inteena kale midna ma jiraan laakiin, wakhtigeedii ayaynu ku talo galayna oo waxaynu ka talin marka wakhtigeedu soo dhawaado haddii ay jiitankaas uun noqoto,” Sidaas ayuu yidhi guddoomiye Saleebaan.

Waxa uu intaasi raaciyay in madaxweyne Biixi dhawaan mar uu hadlayay afka uun ka dhawray in uu sheego in aanay doorasho qabsoomayn “Madaxweynuhuna waa kii ka dayrinayay maalintii dhawayd waanay ahayd afka uun buu ka dhawray ‘waar qaban maaye’ afka uun buu ka dhawray, marka dee arrintaasina arrin taaggan weeye,” Sidaas ayuu yidhi guddoomiye Saleebaan.

Dhinaca kale guddoomiyaha golaha guurtidu wuxuu ammaanay beesha Warsangeli ee gobolka Badhan, halkaas oo uu sheegay in laga heshiiyay suldaan la dilay xilli Cabdiwali Gaas socdaal ku joogay waxaanu Puntland ku ammaanay in ay ka shaqaysay dejinta arrintaas “Qolada Puntland way u soo gurmatay oo iyaga u kala xidhay odhan mayno maxay noogu yimaaddeene ciddii wax qabataba waa u mahadnaqayna,” Sidaas ayuu yidhi guddoomiyaha Guurtidu.

Guddoomiye Saleebaan oo intii uu xilka hayay golihiisu sameeyay muddo kordhino badan oo kuwo badan sharci darro lagu sheegay ayaan looga baran in uu doorashada kaga hadlo luuqadan adag waxaana wali taaggan ismari waagga madaxweyne Biixi iyo xisbiyada mucaaradka ee kala dirista guddida doorashada.

Waxa inta badan la isku raacsan yahay in aanay doorashooyinka wakiillada iyo degaanku qabsoomayn bisha March ee sanadka soo socda maaddaama ay jiraan arrimo culus oo aan xal laga gaadhin kuwaas oo ay ka mid yihiin saami qaybsiga wakiillada, kootada haweenka iyo beelaha Gabooye, diwaangelinta dadka aan kaadhadhka haysan iyo kala dirista Komishanka doorashada.
Halkan ka daawo muuqaalka warka guddoomiye Saleebaan
Sayruuqnews
Hargeysa-Somaliland
Sayruuqnews@gmail.com

Comments

comments

Leave a Reply

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.