Guddoomiye Saleebaan Oo La Kulmay M/Siilaanyo Kuna Adkeeyey In Aanu Marnaba Ku Fikirin Wax Ka Badal Lagu Sameeyo Go’aankii Guurtida

0

Axmed Yuusuf Yaasiin, waxa uu sheegay inuu qabo in muddo kordhinta loo sameeyay xukuumaddu ay nasteex u tahay Mucaaradka, maadaama oo aan diwaangelintii cod-bixiyayaasha la samaynin.

Mudane Yaasiin oo shalay saxaafadda kula hadlay Hargeysa ayaa yidhi “Haday dhacdo diwaan galin rasmi ah oo xalaal ah oo aan lahayn in laba jeer qofku codeeyo doorashada waalla soo qadimi karaa, sidaa daraadeed anigu waxaan qabaa in ay wax walba ka horeeyaan diwaan galin  rasmi ahi, sidaa daraadeed anigu waxaan qabaa muddo kordhinta maanta loo sameeyay xukuumadda in ay nasteexo ama u fiican tahay Mucaaradka…”

 

Axmed-Yuusuf-Yaasiin

 

Yaasiin oo hadalkiisa sii wata ayaa sharaxay sababta Muddo kordhintu nasteexa ugu tahay Mucaaradka isagoo barbar dhigaya Muddo kordhintii loo sameeyay Daahir Rayaale “Sababta oo ah anaga waxa nalo kordhiyay laba sanadood, sagaal bilood waxaanu ka dhaxalnay madaxwayne Cigaal oo anaga laba kaliya ayaa nalo kordhiyay waxaana ay keentay kordhiskaasi nacayb oo ah sida uu maanta xisbiga kulmiye ku yimid, markaas waxaan leeyahay Mucaaridow idinka ayay idiin Fiican tahay, Xukuumadana waxaan odhan lahaa haddii uu dag-dagayo Mucaaradku hala sameeyo doorasho bilaa diwaan galin Ah barina hala qabto, tan ayaa heli doonta Xilka haysa…”

Mucaaradka waxa uu u hoga tusaaleeyay in Ay Madaxtinimada u soo samraan dabadeena xukunka ay

Madaxwayne ku xigeenkii hore ee Somaliland waxa kale oo uu sheegay  “ “Anigu ma qabo in ay beesha caalamku arimaheena soo fara galiso, waxaan qabaa in aynu dhexdeena arimaheena xal ku dayno taas ayaa muhiim ah, beesha caalamka maxaynu uga baahanay maynaan inagu isku filayn oo aynaan dad ahayn taas ayaan qabaa waliba waxaan hore u soo jeediyay oo aan idhi, lacagta doorashooyinka waa in lagu daraa miisaaniyadda qaranka sanad walbana lagu daraa afar Millyan si aynu uga kaaftoono beesha caalamka”

 Xigasho:Wargayska Somalilandtoday

Comments

comments

Leave a Reply

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.