Guddoomiye Farxaan Oo ka Hadlay Arrinta Inanta Cabatay

0

Arinta inanta shaqaalaha dawlada ka tirsan ee la leeyahay way soo cabatay oo hadana dhiilada ka timi awgeed ayaa xadhig loogu daray waa arrin baadhis u baahan oo sida wax uga jiraan in laga gun gaadho ay tahay maadaama xogta laga warbixinayaa tahay mid aan tilmaamo, magacyo iyo sumad/mansab shakhsi midna lagu Xusin.Mansabka maamule ee warbixinta lagu sheegay kuma jiro xilalka wasaaradaha ka jira guud ahaanba. Run ahaan ma qarsoomayso waa hadii ay run tahay isla markaan helay xogta waxaan ka wada hadalay Agaasimaha guud ee wasaarada arrimaha gudaha iyo booliska inuu jiro qof la soo xidhay wax u eg arintaas. waxaa sugan ilaa hadda in aanu jirin qof dumar ah oo kiis dacwad tan u eg loogu soo xidhay saldhiga Daloodho, balse taas macnaheedu maaha in halkaas lagaga hadhayo ee ilaa xaqiiq dhab ah la helo run iyo been kay tahayna la ogaado waa waajib in laga gun gaadho waxii ka soo baxana hayadaha ku shaqada leh ayaa bulshada la wadaagi Insha Allah – shukran
Farxaan Aadan Haybe
Gudoomiyaha Hayada Shaqaalaha
Dawlada JSL

Comments

comments

Leave a Reply

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.