“Guddoomiye Cirro Wuxuu Leeyahay Xukuumadda Wakhtigeedii Wuu Dhacay Oo Ma Ictiraafsani Iyo Heshiisyada Ay Gasho Ha Keento Golaha 3-da Jeer Loo Kordhiyey, Siday Isku Qabaneysaa…..” Waraysi Xil. Kijaandhe

0

Hargeysa (Sayruuq) – Guddoomiyaha Guddi hoosaadka arrimaha dibadda ee Golaha wakiillada Somaliland,  Xildhibaan Axmed Maxamed Kijaandhe ayaa dareen celiyey dhawaaqyo Guddoomiyaha Golaha Wakiillada iyo xildhibaannada Mucaaradka qaarkood ku sheegeen in aanay xukuumadda gelin Karin heshiisyo caalamiya ah, hadday ay gashana looga baahan yahay inay Golaha wakiillada loo gudbiyo.

Xildhibaan Kijaandhe oo Wareysi siiyey Wargeyska Somalilandtoday ayaa sheegay inuu ka xun yahay in xildhibaan Ibraahim Jaamac Cali (Rayte) uu warbaahinta mariyo hadallo lid ku ah heshiis ay Somaliland oo xukuumaddu mataleysaa la gasho dawladda Imaaraadka Carabta. Waxaanu sheegay in loo baahan yahay in dadka Mucaaradka ah ee Rayte ka mid yahay aanay sawir qaldan ka bixin awoodda sharci ee xukuumaddu u leedahay inay dalka ku soo xidho dawlado maalgashada.

Xildhibaan Axmed Maxamed Kijaandhe oo ugu horeyn ka hadlaya heshiisyo Malagashi oo dawladda Imaaraadka iyo weftigii Madaxwaynaha Somaliland ee dalkaasi tagey ku soo ballameen ayaa yidhi “Wada Hadalka Somaliland iyo Imaaraadku runtii ididiilo iyo rejo badan ayuu galiyey dad badan oo aan anigu ka mid ahay, waayo waxaynu nahay dal aan la ictiraafin oo ay adag tahay inuu heshiis galo, markaa aad iyo aad baan u soo dhaweynaynaa”

 

 

kijaandhe

Xildhibaanka oo sii hadlaya ayaa sheegay inuu ka xun yahay in xildhibaan Rayte uu dhaliil laab la kac ah u jeediyo wada hadallada Somaliland iyo Imaaraadka “Waxaan aad uga xumahay qoraalka uu baahiyey xildhibaan Rayte, waayo waa nin sharci yaqaan ah oo mutaclim ah, baarlamaankana ku jira, markaa waxaan leeyahay yaanu ka hor dhicin in la hirgeliyo heshiiska iyo horumarka laga soo wada hadlay” ayuu yidhi, waxaanu intaasi sii raaciyey “In la wada shaqeeyo oo laga hadlo mashaariicda horumarineed ee biyuhu ka mid yihiin xukuumadda ayaa awood u leh, waayo xukuumadda waxaynu u dooranay inay waddanka u doonto maalgashi iyo inay ka shaqeyso in la helo dawlado wax inna tara oo inna caawiya….”

Xildhibaanku wuxuu kula taliyey Mucaaradka inay hubiyaan waxa ay ka hadlayaan “Waxa muhiim ah in ninka masuulka ahi inta aanu warbaahinta waxba ku qorin inuu ogaado xaqiiqada iyo waxa qarsoon, markaa waxaan leeyahay arrinku ha yimaaddo, waayo waxa dhici karta haddii qof uu dalka wax wanaagsan u soo helo in qaar si xun u fikiraya ay fashiliyaan. Ta uu leeyahay (Rayte) xukuumaddu heshiis lama geli karto Imaaraadka waxaan u arkaa inay la geli karto, waayo wakhtiga xukuumaddu waa sharci oo waa loo kordhiyey, waxaanan qabaa sababta wakhtiga loogu kordhiyey inay tahay inay sii waddo hawl-maalmeedkeeda, dalka horumarkiisa sii waddo. Markaa waxa is waydiin leh maxaa xukuumadda loogu kordhiyey haddayna ahayn xukuumad shaqeynaysa oo heshiisyo soo geli karta…” ayuu yidhi, waxaanu intaasi ku daray isaga oo ku soo hal-qabsanaya soo jeedin uu Guddoomiye Cirro ku sheegay in heshiisyada xukuumaddu galeyso u gubsiso Baarlamaanka “Wuxuu leeyahay (Cirro) baarlamaanka ha la keeno heshiisyada xukuumaddu gasho, baarlamaanku miyaanu ahayn ka saddexda jeer loo kordhiyey, markaa wuxuu leeyahay Baarlamaanka oo saddex jeer loo kordhiyey waan ictiraafsanahay, xukuumadda oo aan wakhtigeeda dhamaysanna wuxuu leeyahay ma geli karto heshiisyo siday isu qabanaysa labadaasi, anigu waxaan u arka hadaladaas hinaase lakiin in hinaasuhu uu dalka inaga dumiyo maha ileen dad kala tagaaya manihine…”

Comments

comments

Leave a Reply

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.