Guddoomiye Cabdiraxmaan Cirro Oo Ugu Dambeyn Madaxtooyada Tagay

0
Sawir hore

Hargeysa(Sayruuq) Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland mudane Muuse Biixi Cabdi ayaa kulan la yeeshay wefti uu hoggaaminayo guddoomiyaha xisbiga Waddani Dr Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi Cirro. Waa markii u horaysay ee ay kulmaan labada dhinac tan iyo doorashadii Madaxtooyada oo kala qaybsanaan kaga tagtay bulshada marka laga reebo Salaan ku dhex martay Aas ay ku kulmeen.

Dr Cirro ayaa diiday ka qayb galka Caleemo saarka Madaxweynaha waxaanu Madaxweyne Muuse munaasibaddii xilka loogu dhaariyay kaga calaacalay in Dr Cirro gar qaadan laayahay soona fadhiisan waayay si hoos loogu dhigo xaraaraddii iyo xanaftii ay bulshada kaga tagtay doorashadii Madaxtooyada oo Waddani iyo taageerayaashiisu aamminsan yihiin in madmadow badan ku jiray.

Ma jiro war rasmi ah oo ka soo baxay labada dhinac laakiin, waxa suuro gal ah in la iska laab xaadho wixii soo kala maray xilligii ololaha ee fagaareyaasha la iska weerarayay lagana wada hadlo sida hadda loo wada jaanqaadayo iyada oo la filayo in mucaaradad adag hor taallo Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi.

Sayruuqnews

Hargeysa-Somaliland

Contact@sayruuq.com

Comments

comments

Leave a Reply

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.