Guddoomiyaha UCID Oo Si Adag U Cambaareeyay Dabley Falal Amni Xumo ka sameeyay Saaxil

0

Hargaysa (Sayruuq):- Guddoomiyaha xisbiga UCID Eng. Faysal Cali Waraabe, ayaa cambaareeyay jid-goyntii ay todobaadkii hore koox dabley ahi ka sameeyeen jidka u dhexeeya magaalooyinka Hargaysa iyo Berbera, iyo inta u dhaxaysa Sheekh iyo Berbera. Taasi oo ku tilmaamay wax aad u fool-xun oo dhaawacaya qaranimadda Somaliland.

Eng. Faysal waxa uu sheegay in tallaabadaasi ay u muuqato mid sawir xun ka bixinaysa jiritaanka qaranimadda jamhuuriyadda Somaliland, isagoo xusay in dadkii ku kacay falkaasi ay yihiin kuwo dalka ka galay jariimad weyn.
Guddoomiyaha xisbiga UCID oo shalay warbaahinta kula hadlay qolka nasashadda ee madaarka diyaaradaha Hargaysa. isagoo ka soo laabtay safar uu muddo todobad ah ugu maqnaa dalalka imaaraadka carabta iyo Jabuuti.

Waxaanu sheegay in uu magaaladda Dubai kaga qayb galay carwo ganacsi oo ay qabtay rugta ganacsiga ee dalka Jarmalka. Waxaanu yidhi “Sabtidii todobaadkii hore ayaan dalka ka baxay, waxaan sii maray magaaladda Addis Ababa ee dalka Itoobiya, waxaan uga sii gudbay dawlad goboleedka Dubai ee Imaaraadka carabta, halkaasi oo laga furayay Carwo ganacsi oo ay furayeen niman Jarmalka u dhashay oo aanu saaxiibo nahay. Waxaanu halkaasi carwadda iska helnay weftigan imika ila socda, oo ka tirsan rugta ganacsiga ee dalka Jarmalka, wasaaradda khaarejiga Somaliland ayaana soo casuuntay. Waxaanay u yimaadeen oo ay qaban-qaabinayaan sidii carwo ganacsi dalka Jarmalka loogu qaban lahaa sanadka soo socda, (Germany Somaliland Business Form)”.

Waxa kale oo uu ka waramay guddoomiyaha xisbiga UCID socdaalkiisa oo uu ku soo maray dalka Jabuuti isagoo kulan la yeeshay madaxweyne Ismaaciil cumar Geelle. “Waxaan tagay dalka Jabuuti oo aan joogay laba maalmood, halkaasi oo aan kula kulmay madaxweynaha Jabuuti Ismaaciil cumar Geele, madaxweyne Geele si fiican ayaanu u wadahadalnay.

Waxaananu ka wadahadalnay arrimaha Jabuuti, Somaliland, Soomaaliya iyo doorashooyinka saddexda wadanba ku soo fool leh ayaanu ka wada hadalnay, arrimaha geeska Afrika-na waanu ka wada hadalnay” ayuu yidhi Faysal.

Dhinaca kale Eng. Faysal waxa uu canbaareeyay shaqaaqooyinkii todobaadkan ka dhacday gobolka Saaxil. Isagoo arrintaasi ka hadlayayna waxa uu yidhi “Intii aan dalka maqnaa arrimo yar yar ayaa dhacay, waxaa dhacday arrintii wadadda la is-taagay. Arrintaasi aad iyo aad ayay u fool-xun tahay, way jirtaa tabashooyin badan oo laga tabanayo dawladda, laakiin ma haboonna in aynu sawir xun tusno dadka.

Buurro la gala fool-xumadeedda ayay leedahay, dawladda lagu xumayn maayo, ee waxay xumaan iyo bar-madaw ku noqonaysaa dalkeenna. in dad gaar ahi ay is-urursadaan oo ay wadooyinka jaraan, jariimad weyn ayay taasi tahay, waana wax aad iyo aad u fool-xun, waa shaqooyinkii 1991-kii ee aynu ka weynaaney.”

Sayruuq.com/Hargeysa

contact@sayruuq.com

Comments

comments

Leave a Reply

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.