Guddoomiyaha Maxkamadda Sare Oo Ka Hadlay Natiijada Doorashada Somaliland

0

Hargeysa(Sayruuq) Guddoomiyaha maxkamadda sare ee dastuuriga Prof Aadan Xaaji Cali ayaa sheegay in guddida doorashooyinka Qaranku u soo gudbiyeen natiijada doorashada Madaxtooyada. Waxa uu sheegay in ay muddo todobaad ah gudaheed shaacin doonan natiijada rasmiga ah ee doorashada Madaxtooyada taas oo hordhaceeda Komishanku ku dhawaaqay 21-kii bishan.

Madaxweynaha la doortay Mudane Muuse Biixi Cabdi iyo kuxigeenkiisa Mudane Cabdiraxmaan Saylici ayaa la filayaa in ay 14-ka bisha dambe la wareegaan r Madaxtinimo. Guddi ka kooban xukumadda iyo xisbiga Kulmiye ayaa wada jir u qabanqaabinaya munaasibadda xilwareejinta.

Xilligan ayay wararku sheegayaan in ay guriga madaxweynaha la doortay mashquuliyeen dadka doonaya xilka. Xil dooneyaasha ayaa iskugu jira masuuliyiinta magacaaban ee xukumadda, siyaasiyiinta miisaanka leh ee xisbiga oo ololaha ka qayb qaatay, dhalinyaro iyo haween kaalin ka soo qaatay ololaha xisbiga oo dhammaantood aan qorshaha ku darsan in ay qadaan. Arrimaha ku saabsan saami qaybsiga beelaha siiba kuwa darafyada ayaa sidoo kale culayska ka mid ah.

Sayruuqnews

Hargeysa-Somaliland

Contact@Sayruuq.com

Comments

comments

Leave a Reply

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.