Guddoomiyaha KULMIYE oo kulan la qaatay Qaar kamid ah Jaaliyadda Gobolka HAWD Ee Dalka Ingiriiska

0

London(Sayruuq):- Jaaliyadda reer Somaliland ee dalka Ingiriiska qaar u dhashay Gobolka Hawd, ayaa kulan soo dhawayn iyo wadahadal ah la yeeshay Guddoomiyaha xisbal-xaakimka Jamhuuriyadda Somaliland ee KULMIYE, ahna murrashaxa Madaxweynaha xisbiga Md. Muuse Biixi Cabdi.

Kulanka oo ka dhacay magaalada London oo ay goob-joog ku ahaayeen qaar kamid ah qurba-joogga ka soo jeeda Gobolka Hawd ee Somaliland, waxay ku qaabileen Guddoomiyaha xisbiga KULMIYE Md. Muuse Biixi oo ay wehelinayeen Wasiirka Qorshaynta Qaranka Md. Cali Salaan Jirde (Cali Shoombe), Guddoomiyaha xisbiga KULMIYE ee UK Mr. Xariir Xirsi iyo La-taliyaha Madaxweynaha ee Arrimaha Dhaqaalaha Axmed Xasan Carwo.

Is-xogwaraysi iyo wadahadal dhexmaray Guddoomiyaha iyo qurba-joogta, waxa la isla qaatay wada-shaqayn iyo in jaaliyadda Ingiriiska ee Gobolka Hawd qaarka mid ahi ay si buuxda u taageersan tahay xisbiga KULMIYE, isla markaana ay dhisayso Murrashaxiisa Madaxweyne Md. Muuse Biixi Cabdi.

Ugu dambayntii, kulankaasi waxa uu ku dhammaaday is-afgarad iyo farxad ay ku kala tageen labada dhinac ee Guddoomiyaha KULMIYE iyo masuuliyiinta wehelinayey iyo qurba-joogta la kulmay.

Comments

comments

Leave a Reply

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.