Guddoomiyaha Ku-meel-gaadhka Ah Ee Xisbiga UCID Oo Iscasilay

0

Hargeysa(Sayruuq) Gudoomiyaha Ku Meel Gaadhka ah ee xisbiga UCID  Ayaa waxaa uu si rasmi ah iskaga casilay xilkii uu ka hayey xisbiga mucaaridka ah ee UCID . Gudoomiyaha oo ka soo qeyb galay banaan baxa magaalada Hargeysa ku qabsadey xisbiga Waddani ee uu Cududiisa ku soo bandhigayo waxaanu gudoomiyihu si rasmi ah u shaaciyey in u ku biiray xisbiga mucaaridka ah ee Waddani.

Siyaasigan ayaa waxaa uu ka soo jeeda deeganka Bariga magaalada Burco gaar ahaan Magaalada Caynaba waxaanu qayb ka ahaa habka uu u dhisan yahay saamiga hoggaanka UCID oo ah nidaam cusub oo dhawaan Musharrax Faysal Cali Waraabe sameeyay si uu cod ugu helo.

 

Sayruuqnews

Hargeysa-Somaliland

Contact@sayruuq.com

Comments

comments

Leave a Reply

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.