Guddoomiyaha Guurtida Oo Si Kooban Uga Hadlay Xaalada Borama

0

Hargeysa(Sayruuq)-Guddoomiyaha Golaha Guurtida Somaliland Saleebaan Maxamuud Aadan, ayaa markii u horaysay ka hadlay xaalada Gobolka  Awdal ka taagan, waxaanu xaaladaas oo keentay dhaawac iyo dhimasho uu ku tilmaamay mid aad u sahlan, waxaanu rajo ka muujiyey inay si deg deg ah u dhamaato.

Guddoomiyaha Golaha Guurtida Saleebaan Maxamuud Aadan oo qaar mid ah Warbaahinta u waramay ayaa dhanka kale waxa uu tilmaamay in aanay Guurtidu xaalada Gobolka Awdal ka qayb qaadan doonin, wuxuu yidhi  “Wax dhibaato ahi ma jiraan, Way iska qaboobaysaa inshaa Allah ee duceeya. Inshaa Allah guurti ahaan halkii aanu ka gali lahayn Illaahay inaguma gaadhsiiyo”

Guddoomiye Saleebaan ayaa intaas raaciyay “Anigu  Wabar maanta u nisbayn maayo dhibaatada gobolka ka taagan. Maxaanu Guddida ugu diraynaa ma reero ayaa is haya, guddi iyo odayaal looma baahnee.”

Dhibaatada ka taagan gobalka Awdal ayaa intii ay ciyaaruhu socdeen waxa ku geeriyooday laba wiil oo dhallinyaro ah, halka ay laba kalena ku dhaawacmeen. Sidoo kale waxa la gubay gurigii taliyaha booliska Awdal iyadoo sidoo kale weerar lagu soo qaaday guriga badhasaabka gobalka oo lagu dilay laba askari laba kalena lagu dhaawacay.

Comments

comments

Leave a Reply

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.