Guddomiye Faysal Cali Waraabe Weedho Culus Ku Hurgufay Muuse Biixi Iyo Cabdiraxmaan Cirro“Anigu Danyar Ayaan Wataa,Iyaga Kuwii Caloosha Buurbuurnaa Ee Xoolaha Umadda Cunay Ayaa La Socda”

0

Oog (Sayruuq)- Gudoomiyaha Xisbiga Mucaaridka ah ee UCID Eng Faysal Cali Xuseen (Waraabe)yaa weedhihii ugu cuslaa ku ganay Musharaxiinta Xisbiyadda WADDANI iyo KULMIYE,Waxa uu ku tilmaamay niman aan dan u ahay Dalka,waxaana uu sheegay inay labadooduba ay ku ololaynayaan Nidaam qabiil,Waxa kale oo uu ka dhawaajiyay in Labadaasi Musharax ay la socdaan oo ay la ololaynayaan dadkii Xoolaha Umadda dhameeyay,Isagoo sheegay in mid Waliba Kooxda la socota haddii uu Talada dalka ku guulaysto uu ka dhigayo wasiiro,arintaasi aanay umadda dan u ahayn.

Eng Faysal Cali Waraabe ayaa sidan ka sheegay maruu Shalay goob fagaare ah uga khudbadaynayay taageerayaal iskugu soo baxay Deegaanka Oog oo uu safar ku joogo, Waxaana hadaladiisa ka mid ahaa“Labada Nin ee Ordaya Maanta waad ogtihiin,Waa Muuse Biixi Iyo Cabdiraxmaan Cirro,Horta isagu Cabdiraxmaan Cirro Xagaa iyo Xamar ayuu ujeedaa,Illaahay inaga hayo kaasi isaga,Ninkan la yidhaahdo Muusena waxa uu inagu sameeyay jeegaan,Jeegaana looma baahna, Garxajiyana looma baahna,Waxaa loo baahan yahay Muslinimo, Walaalnimo, Midnimo ayaa loo baahan yahay,Kulmiye waad ogtiiin,Waxaa la yidhaa Xisbiga Abaarta,Waa Xisbiga Sixir Bararka, Waa Xisbiga Qabyaaladda, Xisbiga Lancruiserka ayaa la yidhaahdaa,Lankurusar ayay fuushan yihiin,Anagu walaalayaa waxa uu Alle magan iiga yahay oo aan idiin wadaa Cadaalad iyo Kitaabka Alle iy Sunnaha Nebiga “NNKH”,”.

Waxa kale oo uu yidhi“Waad aragtaa waxa calan halkaasi laga taagay intaasi ay Kulmiye iyo Waddani Calamada siisteen haddii ay sidayda oo kale Hilib geel u qaadi lahaayeen,oo biyo u gayn lahaayeen Dadka Masaakiinta ah taasi ayaa uga khayr badnayd Walaalayaal,dhamaantood Waayarada Wadooyinka ayaa qabsaday,calan la iskuma doortee waxaa la isku doortaa,Waar ilaahay maka baqaysaa,Umadda Waxooga ma u amaan galinaysaa,qabyaaladda ma joojinaysaa,Biyo ma keenaysaa,Caafimaad ma keenaysaa,ictiraaf ma keenaysaa,Muuse intasi daba yaacaysa ayuunbuu wasiiro siinayaa,Cirrana inta ka soo xanaaqday Kulmiye uunbuu Wasiiro siinayaa, Wax isbadelayaa majiro,anagu dad cusub oo iimaan qaba ayaanu keenaynaa oo wax bartay”.

Ugu dambayn waxa uu yidhi“Magaaladdii Hargeysa haddaad aragtaan,Gudaafad ayay noqotay,Waad aragteen Maayaradii intay Calooshu leekaatay,Dhuxul ayay cunayaan,Walaayaal Guri guri u garaaca oo ii footeeya, Ma reer ayaad dooranaysaan,Ma habaryoonis ayaad dooranaysaan mise Madaxweyne,Miyaad dooranaysaan Sacad Muuse Mise Madaxweyne,Reerahoodii ayaa naleh na doorta,Ma reero ayaynu dooranaa mise Madaxweyne,nimankaasi waa reero,Aniga ayaa ah Somaliland,aniga i doorta walaalayaal,waad i aragtaan Anigu waxaan la socdaa Danyartii,iyagu kuwii caloosha buur buurnaa ayay la socdaan ee Xoolaha Umadda Cunay,dadkeena inta dhuudhuuban ayaa badan,intaasi ayaa inaga inoo Codaynaysa,soo duceeya walaalayaal” ayuu hadalkiisa ku soo koobay.

contact@sayruuq.com

Comments

comments

Leave a Reply

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.