Guddomiyaha Xisbiga KULMIYE Oo Waji Gabax Kala Kulmay Casuumad Uu U Fidiyay Xubnaha Golaha Dhexe Ee Beesha ARAB.

0

Hargaysa(Sayruuq)-  Gudoomiyaha xisbiga kulmiye Md: Muuse biixi cabdi ayaa Hungo kala kulmay casuumad uu maanta u fidiyay xubnaha golaha dhexe kaga jira beelaha arab xisbiga kulmiye.

muuse biixi

Fadhi casuumadan oo ahayd mid si heersare ah loo soo agaasimay ayaa markii dambe ku soo gaba-gabawday hungo kadib markii xubnihii gudoomiyuhu casuumadda u sameeyay ay ka muquurteen madashii casuumadda iyadoo taasi keentay in gudoomiye muuse soo abaabulo dad aan golaha dhexe ee xisbiga ku jiran balse uu suuqa ka soo urursaday si aanu fashil ugu iman qorshihiisii casuumadeed
Gudoomiyaha kulmiye oo loolan adag ugu jira musharaxnimadda madaxwaynaha xisbiga kulmiye ayaa casuumadii ugu horaysay ee uu u qabto xubno ka tirsan golaha dhexe ee xisbiga wajigabax kala kulmay waxaanay taasi keentay in gudoomiyuhu ka cadhoodo arinkan
balse xubno ka tirsan siyaasiyiintii hawshan la waday ay gudoomiyaha ku dajiyaan in hadii casuumadani fashilantay ay isku dayi doonaan qorshe ay xubnaha ka muquurtay kaga soo dhaadhicinayaan qorshe siyaasadeedkiisa
si kastaba ha ahaatee loolanka musharaxnimadda kulmiye ayaa meel xasaasi ah maraysay waxaana maalmihii u dambeeyay warbaahinta hadali isku marinayay xubno ka tirsan siyaasyiinta ku loolamaya musharaxnimadda xisbiga.

Comments

comments

Leave a Reply

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.