Guddimiyaha Hay’adda shaqaalaha Dowladda Oo Ka Qeyb Galay Qalinjabinta Dugsiga Kuwait-ga

0

Guddimiyaha Hay’adda shaqaalaha Dowladda Oo Ka Qeyb Galay Qalinjabinta Dugsiga Kuwait-ga

Xalay Waxaan xaflad kala qayb galay dafacdii labaad Ee dugsiga sare ka dhamaystay xarunta Agoonta Ee Kuwait educational charity Academy oo da’a yar farabadan oo inamo iyo hablaba leh oo Agoon ama rajay ah wabarasho tayo leh lagu siiyo iyo weliba hoy iyo Daryeel nololeed.

Runtii aad iyo aad u jecelahay Agoonka ama rajayga waana arin la yaab leh oo Allahna agtiisa isagoo ilaahay aabihii ama hooyadii oofsaday, hadana jacayl badan ayaa Allah agtiisa u yaala agoonka ama rajayga lab iyo dhedig kuu doono ha noqdee. Waxa kale oo la yaab kale ah in Allah jecel yahay cida Agoonka/rajayga daryeesha ama u naxariisata ama kafaalo qaada. Waxa iyaduna Abaal gud-wayn ah in nabigu yidhi SCW qof agoon daryeela waxaanu ku nahay janada rafiiq isu dhow intuu tilmaan farihiisa Ku bixiyay. Runtii sababtaas iyo anigoo aad qalbigaygu u xasuusta agoonimada xiligaan dugsiga hoose Ku jiray ee yaraa ayaan aad u jeclaystay in aan farxada la wadaago dhalinyaradaa xalay soo afmeeray xiligii dugsiga una wareegaya xiligii jaamacada.

Allah Waxaan uga rajeeyay inuu guul, cisi iyo sharaf wayn ku ilaaliyo nolosha intay nool yihiin kana dhigo kuwo horumar aduun iyo mid aakhiro ka gaadha geediga nolosha.
Waxa kale oo aan xasuusiyay in inta badan dadka fara ku tiriska ah Ee aduunkan wax ku soo kordhiyay, soo hogaaminayay ama kaalin wayn ka galay guullo isdaba joog ahna gaadhay ay u badan yihiin dad yaraantoodii ku soo koray agoonimo, rajay ama duruufo saboolnimo oo adag taasna ay ogaadaan in waqti badan uu u hadhay oo burhaantooda ku soo badhigi karaan. Ugu danbayn, waxaan u mahadceliyay cid kasta oo gacan siisa agoonta, u hadasha, daryeelkooda ka qayb qaadata si gaar ah macalmiinta la soo kifaaxday iyo ehel/qaraabo cida soo garab gashay iyana mahad wayn ayaan u celiyay. Ugu danbayn, waxaan odhan lahaa jannada allah, naxariistiisa iyo raalinimadiidaba waa meelaha ay ka dhowdahay Ee qof kastaa ha xasuusto bal in uun qof agoon ah ama rajay ah inuu gacan qabto, daryeelo, u hadlo oo kelmad wax taraysa u yidhaahdo.

Waxa suurta gal ah ama rumowda inuu agoonkaad kelmad fudud maanta u tidhaahaa uu wax ku taro maalin noloshaada ka mid ah isagoo guulaystay ama Allah uu janno kuugu badali samaflkaad agoonka u gaysatay.
Allahayow na garansii oo naga yeel kuwa agoonta iyo dadka jilicsan qalbigooda aanay ka suulin Ee xasuusan inay mudan yihiin in loo gargaaro intii la awoodo Ee qofku karayo.

Comments

comments

Leave a Reply

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.