Gorfaynta Odoroska Miisaaniyda 2019-ka (WQ: Cabdiqani Maxamed Cige)

0

Gorfaynta Odoroska Miisaaniyda 2019-ka (WQ: Cabdiqani Maxamed Cige)

Hordhac
Miisaaniyadu waa Odoros qorshe maaliyadeed oo ay Dawladdi samaysto wakhti go’an, sanad oo kale, Qorshahaasi waxay uu ku qotomaa dhakhliga iyo kharashka Dawladda ee sanadka soo socda sida uu noqon doono. Miisaaniyadu waxay sawir ka bixisaa waxqabadka xukuumada ee muddadaas sanadka ah, wax kasta oo Miisaaniyada ku jira waa wax sanadkaas loo qoondeeyay in la fulin doono, wixii aan ku jirin qorshaha uguma jiro xukuumada inay qabto. Miisaaniyada JSL ee 2019ku waa tii 27’aad ee Somaliland yeelto. Guud ahaan Odoroska Miisaaniyada Sanadka 2019ku waxa uu sare u kacday 3%, marka la barbar dhigo odoroskii sanadkii hore ee 2018ka. Miisaaniyadii 2018ku waxay ahayd 2,264,487,254,845 SLSH, halka Miisaaniyada 2019 ay tahay 2,334,320,463,251 SLSH, faraqa kordhku waa ah 69,833,208,406 SLSH, taas oo u dhiganta3%.
Miisaaniyadu waxay ay ka kooban Miisaaniyadaha Dawladda Dhexe, Hay’adaha Madaxa-banaan, Dawladdaha Hoose, Sanduuqa horumarinta Somaliland (SDF), mashruuca World banka, Mashruuca JPLG-ga. Jaantuskan hoose waxa uu tilmaamaysaa xadiga ay kala leeyihiin qaybaha sare ku xusani.

Sida ka muuqta Jaantuska sare, xadiga Dawladda dhex ee Miisaaniyada sanad 2019-ka waa uu kordhay, waxa uu ka badan yahay 2.5% kii sanadkii hore marka loo eego Wadarta Miisaaniyada Guud, lacag ilaa 137 bilyan oo Somaliland Shillin ah baa ku kordhay. Dhanka kale marka si gaar ah la isku barbardhigo Miisaaniyada Dawladda dhexe ee Sanadkii 2018-da (1,687,000,000,000 SLSH)iyo 2019-ka (1,823,975,720,000 SLSH), waxa kuu soo baxaysa in Miisaaniyada Dawladda dhexe ee 2019 ay ka badan tahay 8% tii sanadkii 2018ka, taas oo macnaheedu yahay in Wasaarada Maaliyadu ay kordhin doonto dhakhliga sanadkan 8%, Lakiin iyada oo koradhkaas la odorosayo ayaa wasiirka Maaliyadu u sheegay Golaha wakiilada in Miisaaniyadii 2018-da la galay hoos u dhac 10% ah, iyada oo hore loo odorosay in 9% la kordhin doono dhakhliga Sanadkii 2018. Sidaas darteed waxa iswaydiin mudan in haddii odoroskii hore ee 2018-ka lagu guuldaraystay oo 10% hoos u dhac ah la galay, sidaas oo kalna 2017kii hoos u dhac la galay xadi dhan 21%,waxna aan laga badalin hanaankii shaqo ee hore, maxaa cad ee suurto galin kara korodhka odoroskan cusub ee 2019-ka.Boowe bal Iswaydii halka wax ka khaldan yihiin, maxaa odoroskeena marka kasta hoos u dhiga?

Bal aynu in yar is dultaagno Odoroska Dhakhliga Dawladda dhexe iyo meelaha loo qorsheeyay in uu ka iman doono. Ugu horayn waxa xusid Mudan in ay ka maqan yihiin oo aan lagu darin dhakhligii Odoroska ee laga heli lahaa Kirada Dekada Berbara iyo Faa’iiddadii sanadeed ee laga sugayay, sidoo kale kuma jirto kiradii Saldhiga Military ee Berbera, meel la geeyay laguma xusin Odoroska Miisaaniyada ee Golaha Wakiiladu Ansixiyay, sidaas darteed Xukuumada iyo Golaha wakiiladaba xil baa ka saarin in shacabka loo cadeeyay halka la geeyay iyo waxa loogu talo galayba.

Boqolkiiba 90% in ka badan Odoroska Dhakhliga Dawladda dhexe waxa uu ka imanayaa Cashuuraha bariga iyo Kastamada Dalka, halka 9.7% ka soo hadhay uu ka iman doonaa Wasaaradaha,Haamaha berbera, kabka dawlada hoose ee Hargaysa iyo baanka aduunka. Wasaarada Warfaafinta oo ah xarun warfaafineed oo muhiim, dhakhli badnina soo gal ayaa is waydiin mudan waxa dhakhliga sidaas u yara loogu odorosay inuu ka soo xaroon doono, waxa hoos taga Tv-ga Qaranka SLNTV, Radio Hargaysa, Kirooyin ka FM-yada BBCda iyo VAO-da.

Dhanka kale, Hantida Dawladda dhexe ay iibin doonto Sanadkan2019-ka taas oo la qiyaasay in ay ka soo xaroon doonto aduun dhan 10 Bilyan SL SH ah. Hargaysa oo ah Caasimada dalka ayaa hantida ugu badan laga iibin doonaa, xadi ka badan 99.8% odoroska iibka hantida dawladda ayaa laga heli doonaa, waxa in badan isha lagu hayn doonaa dariiqa loo maro iibka hantida qaranka iyo inoo noqon doono mid hufan oo la mariyay dariiqa sharciga ah. Jaantuskan Halka hoose ka eeg aduunka la odorosay in laga heli doono iyo magaalada ay hantidu ku taalo.

Haamaha Berbera: haddii aynu si gaar ah u eegno Kaydka Haamaha Berbera oo ay dhawaan Xukuumada Md. Muuse Biixi la wareegtay, ayaa loo asteeyay in laga heli doono odoros Dhakhali oo dhan 2.43% odoroska Dhakhliga Guud ee Miisaaniyada (44,347,170,080 SL SH), lakiin Sida uu tilmaamayo Xisaabkii Kaydka Haamaha berbera ee 2017 kii ee bilaha January ilaa December oo uu si gaar u ah arkay qoraalka Gorfayntu, ayaa xusaya in Dhakhligii rasmiga ahaa (Actual Revenue) ee soo galay Kaydka Haamaha Berbera ee 2017-kii uu ahaa $14,541,395 oo dollar, lacagtaas in ku dhaw 72% ka mid ah waa Diesel ama Naafato, halka 29% soo hadhay ay tahay petrol, marka Somaliland Shilin loo badlo iyada oo la qaadanayo xadiga baanka dhexe ee Somaliland 9800/SLSH ayaa noqonaysa 142,505,671,000 SLSH, dhakhligaas 2017-ka haddii sal ahaan loo qaato (base line) waxa soo baxaysay faraq aad u balaadhan oo ka maqan odoroska dhakhliga Haamaha berbera, waxa ka maqanaanaysa oo aa lagu darin odoroska Miisaaniyada 2019=ka lacag ka badan 10Million dollar, waa su’aal furan in laga jawaabo sababta looga tagay iyo halka la gayn doono lacagtaas aadka u badan.

Celceliska xadka korodhka ee bil walba 2017kii waxa uu ahaa 8.3%, Xadigaas waxa si weyn kor u sii qaadaya kordhka ay Sanadkan bilowkiisa samaysay Xukuumadu ee ah kordhintan Khidmada kaydka haamaha. U fiirso jaantuska hoose;

Miisaaniyada Dawladda dhexe
Miisaaniyada Dawladda dhexe oo ah 1,823,975,720,000 SLSH marka aad eegto waxa ay ka kooban tahay waxa kuu soo baxaysay in 84.5% oo ah (1,541,658,632,762 SLSH) ay tahaymushaharooyin, Gunnooyin, Gunno Hawleedyo, Kharashka Adeega Shaqaalaha, Kharashka Isticmaalka Alaabta iyo Adeega Hawlaha, Daryeelka Baabuurta, Dhismayaasha & Mishiinada iyo Bixinta Daymaha Qaranka.
Dhaamaan intaasi lama xidhiidhaan wax horumar ah kaliya waa kharash. Sidoo kale Kharashka Samafalka & Taakuleynta Qaxoontigaoo oo lagu daray Hay’adda u diyargarowga dhibaatooyinka iyo Barakacayaasha Qaxootiga ah ayaa loo asteeyay aduun dhan 6,050,000,000 SLSH oo ka ah 0.33% Miisaaniyada Dawladda dhexe, waa mid iska cad in aanay waxba ka qabnaynay intaas yari masiibooyinka dabiiciga ah iyo Barakacayaasha Qaxootiga ah.
Dhanka kale, Deeqaha Waxbarasho, Kabka iyo Kaalmooyinka Qeybaha kale duwan ee Dawladda ayaa iyna loo asteeyay 4.86% Miisaaniayda Dawladda dhexe taas oo ah 89,635,563,580 SLSH. Lacagtaasi boqolkiiba 92% ka mid ah waa kaalmooyinka ay dawladdu siiyo qaybaha kale duwan ee Dawladda iyo ururada bulshada rayidka ah, waxa ka mid ah ah kuwan hoose; Kaalmooyinka waxbarashada la xidhiidha oo qiyaas ahaan ka noqonaya 18.2%, kuwaas oo kala ah Kaalmada Dugsiyada Agoomaha, Kaalmada Deeqaha Wax Barashada, Kalamada Dugsiyada, Rugaha Kutubta ee Siilaanyo, Rugaha Kutubta Hargeysa, Rugaha Kutubta Berbera, Kalmooyinka Jaamacadaha, Kaalmooyinka Jamacadaha Badda, Kalmadda Machadka tababarka Shaqaalaha iyo Kaalmada ardayda Waxbarsho ee Ethiopia. Dhanka kale, Kaalmooyinka Caafimaadka oo ka ah xadigaas 2.7% ayaa loo asteeyay Kaalmooyinka Bisha Cas, Machadka Kalkaaliyayaasha, Ururka Umulisooyinka, Ururka Shaybaadhiistayaasha, Cisbitaaladda Dhimirka iyo Kaalmooyinka Guud oo caafimaadka uun ah.
Dhanka arimaha bulshada oo ay qaabilsan tahay W. Shaqagalinta, Arim. Bulshadda iyo Qoyska waxa xadigaas looga asteeyay 2.6% oo loogu talo galo galay in lagu kaalmeeyo Ururka Naafada(SNDF), Ururka NOW, Derbijiifka Burco, Ururka Shaqaalaha, Dadka Nugul iyo Kaalmooyinka guud oo wasaardu hagi doonto. Qaybaha kale ee ururadda bulshada iyo Xisbiyadda Siyaasada waxa loo asteeyay xadi noqonay 24.3%, waxayna yihiin Kaalmooyinka Asxaabta Qaranka, Ururka Xisaabiyeyaasha (ICPAS), Kaalmada Dhimirka Muj. SNM, Wakaaladda Biyaha Hargeysa, Dallada SONYO, Kaalmada Xafiiska Qurba Jooga, Ururka Qareenada, guddida Dib u Habaynta Shuruucda iyo Kaalmooyin guud oo Wasaaradda Maaliyadu hagi doonto. Dhanka Saxaafada Kaalmooyinka loogu talo galay ayaa ah 3.2%, taas oo Ururda Suxufiyiinta ee SOLJA iyo WIJA ay leeyihiin xadiga ugu badan, halka Wargayska Dawanna uu qayb leeyahay.
kaalmada u badan oo ka ah 39.7%, waxaloo asteeyay in ay Xukuumaddu ku taageerto Kharashka Horumarinta Wadooyinka oo Wasaarada Gaadidka iyo H. Jidadka ay masuul ka tahay.
Guud ahaan 4.86% kaas ka mid ah Miisaaniyada dawladda dhexe ayaa 50% ka mid ah ay tahay waxa la xidhiidha horumarinta halka 50% kale yahay kaalmooyin ay xukuumaddu ku ilaalanyso jirintaanka qaybahaas ururradda bulshada ka mid ka ah.
Jaantuskan hoose waxa uu sawir buuxda inaga siinayaa Odoroska Miisniyada Dawladda dhexe iyo qaabka loo kharash garayn doono miisaaniyada 2019ka. Waxa xusid muddan in Mashaariicda Baanka aduunka ay ku jiraan Wasaaradaha kala ah, Wasaaradda Macdanta & Tamarta mashruuca (SEAP), Wasaaradda H. Maaliyadda mashruuca dib u habaynta Maaliyada (PFMR) iyo Hay’ada Shaqaalaha mashruuca dib u habynta shaqaalaha dawladda (CSSP).


Waxa aynu si gaar ah u eegi doonaa Madax xisaabeedka (Head) ah 311000 oo ah Madax la galiyo hantida ma guurtada ah sida Dhismayaasha, Gaadiidka & Mishiinada iyo Iibsiga Qalabka Xafiisyada. Lacagta ku jirta Head-kan ayaa ah 114,945,263,658 SLSH taas oo u dhiganta 6.3% Miisaaniyada Dawladda dhexe, waa Madaxa ugu badan ee xukuumadu xisaabinayso in uu yahay mid horumarin ah, lakiin ay xaqiiqadu ka duwan tahay sidaas. Dhamaan hantidaas marka aad mid mid u eegto boqolkiiba 85% waa kuwii hore ugu jiray Miisaaniyadii 2018ka oo kaabis ama dhamaystir loo samaynayo, waxa in badan mudan in la ogaado ama xukuumadu soo bandhigto sida loo fuliyay Mashaariicdaas hore, taasi waxay sahlaysaa in ku talgalka sanadkani wacnaado. Aan eegno meelaha loo kala asteeyay iyo inta rasmiga ah ee nolosha Muwaadinka Somaliland wax la taaban karo ku biirinaysa.

Iibsiga Gaadiidka & Mishiinada waxay ka noqonaysaa 32,327,938,000 SLSH taas oo 28% ka ah lacagta ku jirta Madax xisaabeedkaas, lakiin lacagtaas 55% oo kaliya (17,667,938,000 SLSH) ayaa ah waxa manafac leh oo muwaadinka cashuur bixiyaha ah si toos ah u taabana, waxa mid hantidaas la galin doono lacagtaas kuwan; Hargaysa Nursing oo Gaadiidka & Mishiinada loo iibin doono, Iibsiga Mishiinka Shaybaadhka ee Tayada Cunada & Daawada, Iibsiga Qalab biyaha oo machadka biyaha wax loogu barto, Iibsiga Qalabka idaacada iyo TV-ga, iibsiga Qalabka Fanaaninta, Iibsiga Doonyaha & Maraakiibta, iibsiga Tabaashiir waxbarashada, Iibsiga Qalabka Xafiisyadda ee Dugsiga KTM-ka, Iibsiga Rooga Ciyaaraha ee Berbera & Burco, Iibsiga Qalabka Dabdemiska, Iibsiga Tax Way Lights-kae Madaarka Hargaysa iyo Iibsiga qalabka Geolagical iyo Electric Tools looga baahan yahay in lagu qabto shaqada Macdanta ee Wasaarada Macdanta iyo tamartu ay hayso. Inta kale ee 45% ka ah 14,660,000,000 SLSH waxa loo asteeyay Iibsiga Gaadiidka Xukuumada ee sanadkan, waa lacag aad u badan marka loo eego heerka nololeed ee Muwaadiniinta Somaliland, ma qaadi karaan in waxaas oo gaadhi ah ay sanad walba u iibiyaan xukuumada haddaba joogta.

Marka aad isku soo xooriso intaas sare waxa kuu soo baxaysa in 32.3 Bilyan ka sare ku xusan ee 28% ka ah lacagta ku jirta Madax xisaabeedka 311000 ay kaliya 15% ka mid ah tahay waxa rasmiga ah ee muwaadinka Cashuur bixiya ah faa’iido ugu jirt, inta kale waa Gaadiidkii raaxda ee waligeed jiray.

Dhanka kale, Madax xisaabeedka 311000 boqolkiiba 47% oo ah 53,774,072,450 SLSH waxa loo asteeyay Dhismayaasha kuwaas oo inta ugu badan 28% loo dhisi doono Caafimaadka sida Dhismaha Cisbitaalada Umulaha, MCH-yada, Dhismaha Cisbitaalka Burco, Dhismayaha B.Kaydka Daawooyinka iyo Cisbitaalka Ceerigabo. Sidoo kale 15.8% waxa la galin doonaa biyaha oo la samayn doono Dhisme Xafiir Dhaam ah iyo Ceelasha Qodista Riigaga, waxa is waydiin mudan waxa ka suurgo galay miisaaniyadii sanadkii hore oo ay sidan oo kale ugu jireen xafiir dhaamyo, qabashada biyo xidheeno iyo qodista riiggag.

Jaantuskan hoose waxa uu si wacan u muujinayaa qiyaasaha Dhismayaasha la dhisi doono iyo qaybaha laga dhisi doono. Waxa xusid Mudan in dhismayaasha ay ku jiraa Maamus loo samayn doono Madaxwayne Xigeenkii Hore & Gudoomiyaha Golaha wakiilada oo laba Guri lagu kala maamuusi doono in loo dhiso. Kharashka loo asteeyay in Guryo loogu dhiso oo ah 2,820,000,000 SLSH waxa uu in yar ka yar yahay kharashka loo asteeyay in lagu dhiso Shaybaadhka Xoolaha, Dhismaha Garoonka Ceerigabo, dhismaha Garoonka Oodweyne, Dhismaha Garoonka Timacadde iyo Dabdemiska Berbera & Laas caanood, intaas kharashka loo asteeyay ayaa ah 2,854,650,000 SLSH. Waa qorshe xumo ina haysto in aan danta caamka ah laga horaysiin danaha shaqsiga.

Madax xisaabeedkaas 3,110,000 inta soo hadhay oo ah 25% waa wax loo asteeyay shaqooyinka kala duwan ee xafiisyada dawladda sida, iibsiga Qalabka Nalka & Biyaha, Qalabka Isgaadhsiinta, Qalabka Xafiisyada & Guryaha, Kharashka Cilmi Baadhisteed, Caymiska Caafimaadka Shaqaalaha dawladda, arimaha Qalabka Ciidanka IWL.
Haddaba, waxa aan ilaa hadda soo aragnay sawirka guud ee Miisaaniyada Dawladda dhexe, aan si faahfaahsan oo Waax walba aan si gaar ah u eegnay aan is dultaagno.
Miisaaniyada Dawladda dhexe oo ka kooban Saddexda waxood ee dawladda oo ah Waaxda fulinta, sharci dajinta iyo Garsoorka, bal aan mid walba gaar u eegno Odoroskeed Miisaaniyadeeda. Ugu horayn, Waaxda Sharci Dajinta oo ah Golaha Wakiilada iyo Guurtida waxa miisaaniyadooda 4% loo asteeyay Waxqabadka ama barnaajimkooda hawlo shaqo ee Waaxda sharcdi dajinta u xilsaaran tahay, halka inta kale tahay kharash aan xidhiid toos ah la lahayn waajibaadka Labada Gole. U fiirso Jaantuskan;


Miisaaniyada Waaxda Sharci Dajinta waxa ka muuqda sawir waxqabad la’aaneed, hawlaha shaqo ee labadan waaxdu u xil saaran tahay ayaan wax muuqda oo miisaaniyad lagu qabto hawlahooda shaqo loo qoondayn, tusaale ahaan, Golaha Wakiilada oo Miisaaniyadan ansixiyay waxay ku leeyihiin 1.5% Miisaaniyada Guud ee 2019ka oo u dhiganta 36,177,177,438 SHLSH, Intaas aadka u yar ayaa 5% ka mid ah ay tahay waxa rasmiga ah ee loogu talo galay in lagu qabto hawlaha uu Golahu u xilsaaran yahay, halka inta kale 95%ay tahay kharash aan si toos ah (indirect costs) ula xidhiidhin qabashada hawlaha Golaha wakiilada,sida Mushahar, Gunnooyin, nal, biyo, alaabta xafiisyada, IWL.

Marka aad eegto Miisaaniyada Golaha Wakiilada ee Sanadkan 2019 waxa ay ka badan tahay tii sanadkii hore 14.5%, lakiin korodhkaasi boqolkiiba 95% lama xidhiidhaan shaqada rasmiga ee laga sugayo inuu Golaha wakiilada qabto ee ah sharci dajinta iyo dabagalka ama korjoogtaynta shaqada ha’aydaha waaxda fulinta. Sidoo kale, Marka aad u sii dhabo gasho meelaha loo kordhiyay miisaaniyadu waa shaqaalaha Golaha oo kordhin Mushahar, abaalmarin iyo dhiiriginba loo sameeyay, Xubahan xilalka haya oo Kordhin Gunno xileed loo sameeyay, dhisme Guri ah oo Gudoonka baarlamaanka loo dhisayo, Noolka Safaradda oo la kordhiyay iyo daryeelka baabuurta iyo guryaha. Midhka la xusi karo ee ku jira Miisaaniyada Golaha Wakiilada ayaa ah kharashka loo asteeyay Cilmi baadhis uu Golahu samayn doono, inkasta oo sanadkii horena ay ku jirtay in cilmi baadhis uu Golahu samayn doono, haddana wax cilmi baadhis ah oo ka soo baxay ama socda lama sheegin ogaalkay,waa mid la eegi doono inay iska noqto sidii hore iyo in kale. Dhamaan waxyaabahaasi waxay sawir fiican kaa siinayaa sababta dhabta ah ee Golaha Wakiilada ka dhigtay mid fadhiida ah oo aan qaban shaqadii loo igmaday.

Dhanka Golaha Guurtida haddii aad milicsato waa la mid, Golaha Guuridu waxa uu korodhsaday Gunno hawleedkii shaqo, taas oo ka dhigan in shaqada Golaha la xoojin doono, lakiin marka aad eegto kharashka loo asteeyay Barnaamijyadda Hawlaha Shaqo ee Golaha guurtida waxa aad arkaysaa in aan la koradhin Gunno hawleedkii shaqo ee golaha, u fiirso qoondada barnaajimka hawlo shaqo ee Guurtida oo ah aduun dhan 560 Milyan oo SLSH, waa intii Sanadkii hore loo qoondeeyay oo kale, Lacagta sidaas u yar ayaa loogu talo galay inay ku shaqeeyaan Guddiyada kala duwanGolaha guurtidu.Golaha Guurtida oo Muddo dhaaf badani ku yimi xiligoodii ayaan lagu darin Miisaaniyada Kharashkii lagu samayn lahaa xeerkii Golaha lagu soo dooran lahaa. Fursad kale oo luntay dheh.

Dhanka Waaxda Garsoorka, Miisaaniyada Waaxda Garsoorka ayaa dhan 38,666,456,265 SL SH, taas oo 25% ka badan Miisaaniyadii sanadkii hore, lakiin kordhkaasi dhamaantii waa kharash marka laga reebo 3% dhisme loo qoondeeyay in lagu dhiso Maxkamada racfaanka iyo ta Oodweyne.

Waaxda Garsoorka, Marka aad eegto Miisaaniyadooda boqolkiiba 97% waa kharash aan si toos ah ula xidhiidhin (indirect costs) habaynta, hagaajinta iyo hore u socodsiinta hawlaha hanaanka cadaaladeed ee waaxdu masuulka ka tahay, kuma jirto qoondooyin maaliyadeed oo lagu fududaynayo shaqada garsoorka haddii ay tahay habka kaydinta xogta dacawadaha, habka xidhiidhka dadweynaha iyo garsoorka, dabgalka iyo la xisaabtanka hawlaha shaqo ee Garsoorka, IWL. Miisaaniyadu Waaxda Garsoorku waxay ku dul wareegaysaa kharashaadka Mushahar, Gunno, nalka iyo biyaha, iibsiga Wargeysyadda & Bugaagta, Noolka Safarada, Martiqaadyada & Munaasibadaha, Daryeelka Baabuurta IWL. Dhamaan hawlahasi ma ah kuwo tayo ku biirinya hanaanka Garsoorka ee hadda jira, kaliya waxay suuraglinayaan in shaqada garsoorku ay halkeedii hore iska ahaato, waaba haddii la dadaalee. Midhka ku jira ee ah ee la xusi karo ayaa ah Dhismaha Maxkamadda Racfaanka iyo Dhismaha Maxkamadda Oodweyne iyo kharash aad u yar oo tababaro loogu talo galay.

Dhanka Deeqaha Dawladdaha Shisheeya haddii aynu eegno, waxa ay noqonaysaa sidan;

Odoroska Miisaaniyadan 2019ka qaybta deeqaha Dawladaha shisheeye waa 5.8%, lacagtaas 3.4% ka mid ahi waa Sanduuqa Horumarinta Somaliland (SDF), World bank-ka waa 1.8%, halka 0.6% uu yahay Mashruuca JPLG-ga oo dawladdaha hoose si gaar ah u taageera. Sanadkii hore ee 2018ka waxay Dawladdaha shisheeye ku taageereen Miisaaniyadii 2018da xadi dhan 8.2%, faraqa u dhexeeya ayaa ah mashaariic World bank ah oo aan ku jirno sanadka 2019.

Haddaba, bal aan aan eegno sida loo qorsheeyay ama Odoroska kharashka Dawladda dhexe, Waxa aynu eegi doonaa Qoondada la siiyay adeegyada aasaasiga ah, sida Caafimaadka, Biyaha, Waxbarashada, Tamarta iyo amaanka? Sidee ayaa Gobalada loogu qaybiyay?, waxa kale oo aynu eegi doonaa qoondooyinka miisaaniyadeed ee Wasaaraddaha, Qasriga Madaxtooyada iyo Ha’ayadaha/Commissions-ka. Ugu horayn, Wasaarada Maaliyada ah ayaa ah ta soo ururisa dhakhliga Odoroska Miisaaniyadooda halka Ha’yadaha Madaxa banana ay mid walba gaar gaar u soo urriyaan Odoroska Dhakhliga Miisaaniyadooda, xage danbe ayaynu ku eegi doonaa haddii alle idmo ha’yadaha Madaxa-banaan Odoroska Miisaaniyadooda sida uu yahay. Ugu horayn aan eego Waaxada fulinta ee leh saamiga ugu badan Miisaaniyada 2019ka.

Miisaaniyadaha 23-ka Wasaaradood ee Xukuumada Madaxweyne Muuse Biixi waxa ay dhan tahay 851,321,999,123 SLSH, waxay ay ka badan tahay tii sanadkii 2018 waxa ku dhaw 8%. Dhamaan Wasaaradaha, ha’yadah/commissions-ka, ciidanka, Madaxtooyada waa uu u kordhay Miisaaniyadu, marka laga reebo Agaasinka tacliinta sare, Ha’yada Qaxootiga iyo Barakacayaasha iyo Wasaaradda Isgaadhsiinta iyo Tignoolojiyada oo iyadu 5% ka yar Miisaaniyadeedii Sanadkii hore, taasna waxa sababay in la dhimay 35% kharashkii sanadkii hore loo qoondeeyay iibsiga Qalabka Isgaadhsiinta. Wasaarada ugu Miisaaniyada badani waa Wasaarada Maaliyada, waxay leedahay qoondo dhan 10.4% Miisaaniyada guud ee dalka ama 28.5% marka la barbardhigo Wasaaradaha kale ee ay ologa yihiin 2019ka.

Wasaarada Maaliyadu waa ta ugu badan ee miisaaniyada loo kordhiyay, waxa loo kordhiyay 6.64% xadiga miisaaniyada guud kaas oo ka dhigan in Ciidanka Qaranka oo kaliya ay ka horeeyaan xadiga korodhka Miisaaniyada.

Miisaaniyada Wasaarada Maaliyada waxa ku jira lacago badan oo ay ahayd in lagu daro Miisaaniyadaha Wasaaradaha ama Ha’aydaha ku shaqada leh ee xidhiidh la leh hawsha, ma jirto sabab ay wasaraada Maaliyadu Miisaaniyadooda ay ugu jirtaa, kaliya waxay keenaysaa in ay curyaamaan Wasaaradahaasi ama ha’ayadaasi, waxa ka mid ah: (eeg meesha ay ahayd ina la geeyo).

Miisaaniyada waxa sameeya Wasaarada Maaliyada, wasiirkeeda ayaan Golaha baarlamaanka hor geeya si loogu ansixiyo, Habka diyaarinta Miisaaniyada waxa ka muuqda habacsanaan badan, tusaale ahaan buugga Miisaaniyada ee Golaha wakiilada la geeyo lama raaciyo wax faahfaahin ah oo kaaba xogta maaliyadeed ee uu xambaarsan yahay, kaliya 5 bog oo qoraal wasiirka maaliyadu ku saxeexan yahay ayaa la raaciyaa, qoraalkaas oo isgana ay ka muuqto diyaarin xumo badan.

Kharashka ku baxa diyaarinta miisaaniyada ayaa ah mid aad u badan, sanadkii hore waxa ku baxay aduun dhan 3,200,000,000 SLSH, halka Sanadkan 50% kharashkaas hoos loo dhigay, lakiin wali sidii ayay tahay diyaarin xumada miisaaniyadu. Dhanka xisaab xidhkana waxa loo asteeyay inay ku baxdo, 1,984,000,000 SL SH, Xisaab xidhkii 2017 iyo 2018kii wali Golaha Wakiilada lama hor gayn. Sidoo kale, sanadkii hore iyo kan 2019-kaba waxay Wasaarada Maaliyadu sheegtay in la hirgalin doono nidaamka maaraynta waxbixinaha xisaabadka (SLFMIS), lakiin waxba kama hirgalin kamna muuqto wax isbadal ah nidaamka diyaarinta iyo xisaab marinta Miisaaniyada.

Madaxtooyada JSL oo ka kooban Xafiiska Madaxtooyadda, Qasriga Madaxtooyada JSL, xafiiska Madax-weyne ku-.Xigeenka iyo Ciidanka Ilaaladda Madaxtooyada waxay ka miisaaniyada badan yihiin labada waaxood ee Sharci dajinta iyo Garsoorka ama 20 ka Ha’yaddood ee waaxda Fulinta. Oo kala ah; Garyaqaanka Guud, Agaasinka Tacliinta sare, Guddida Diwaangalinta Ururada, Guddiga Doorshooyinka Qaranka, Guddiga Qandaraaska Qaranka, Guddiga Xaquuqal Insaanka Qaranka, Gudida Maamulwanaaga, Gudida Qaranka ee la dagaalanka HIV/AIDS-KA, Gudiga Tacliinta Sare, H. Duulista & Hawada, Hanti-dhawrka Guud ee Qaranka, Hayada Qaxootiga iyo Barakacayaasha, Hayada u Diyaargarowga Aafooyinka, Hay’adda Dhawrista Tayada, Hay’adda Diiwaanka Sakada iyo Safalka, Hay’adda Shaqaalaha Dawladda, Hayadda Sirdoonka Qaranka, Jimciyadda Muj.Sooyaal, Komishanka qaranka ee Mihnadlayaasha caafimadka iyo Xeer Ilaalinta Guud ee Qaranka. U fiirso Jaantuskan hoose;

Wasaarada Caafimaadka oo ah wasaarada muhiim ah ayaa leh miisaaniyada ka yar 3.2% miisaaniyada Guud ee sanadkan 2019, waxa loo qoondeeyay lacag ka yar 74 bilyan oo Shilanka Somaliland ah, nasiib xumo waxa hoos loo dhigay Kharashka Daawada, Sanadki hore waxay loo asteeyaa kharash Daawo oo 600,000,000 SLSH, halka sanadkan hoos loo dhigay boqolkiiba wax ku dhaw 17% (500,000,000 SLSH).

Sidoo kale Kharashka loo qoondeeyay inuu ku baxo 7-da Cusbitaal ee dalka ah ayaa ah 5,124,000,000 SLSH, waa qoondayn ka badan tii sanadkii hore 4%, lakiin maxay kaga dhici marka waliba si siman loogu qaybiyo. Waxa kale oo gabi ahaanba meesha laga saaray kharashkii sanadkii hore ugu jiray miisaaniyada ee ahaa Iibsiga Qalabka Caafimaadka ee Cistibaalka Hargeysa iyo Iibsiga Mishiinka Shaybaadhkaba. Iyada oo Miisaaniyadii Caafimaadku sidaas u yar tahay ayaa la kordhiyay 8% Miisaaniyada Warfaafinta, Iibsi Gaadiid Cusub, Qalabka idaacada iyo TV-ga loo iibinayo, Kharashka ku baxa Barnaamijyada Tv-ga iyo Idaacada oo la kordhiyay taas oo macanaheedu yahay in dacaayaadka iyo faafinta wararka siyaasiga ah la kordhin doono, waxana cadayn u ah kordhinta Kharashaadka Barnaamijyada Tv-ga ka baxa.

Kharashaadka ay ahayd in la yareeyo ee Miisaaniyada ku jira waxa ka mid ah Iibsiga Wargeysyadda & Bugaagta, tusaale ahaan Kharashka Iibsiga Wargeysyadda & Bugaagta ee Madaxtooyada JSL waxa uu ka badan yahay Kharashaadka loo asteeyay Mashruuca Abuur badinta iyo Mashruuca Timirta ee Wasaarada Horumarinta Beeraha. Sidoo kale, kharashaadka loo asteeyay Martiqaadyadda & Munaasabadaha, Iibsiga Wargeysyadda & Bugaagta iyo Isticmaalka Isgaadhsiinta ee Wasaaradda Xanaanada Xoolaha iyo Kaluumaysigu waxa uu ka badan yahay kharashaadka loo asteeyay Iibsiga Calafka Xoolaha ee isla wasaaraddaasi masuulka ka tahay. Haddii si kale loo dhigo, waxa isleeg kharashka loo asteeyay Calafka xoolaha iyo kharashka loo qoondeeyay Kooxda ciyaaraha Wasaradda. Qorsha xumada Miisaaniyada ayaa kuu soo baxaysay marka kasta oo aad sii dhexgasho gorfaynteeda.

Dhanka kale, Isdiidooyinka xisaabeed ee ku jira waxa ka mid ah:
 Kabka Miisaaniyada Dawladda dhexe ku jira ee loogu talo galay in lagu kabo qaybaha kale ee Dawladdu waa 6,603,507,884 SLSH, waxa uu ka badan yahay kabkii sanadkii hore 54%, taas oo ah in Sanadkan Dawladda dhexe ay u heelan tahay in ay kabto kabo qaybaha kale ee Dawladdu, haddaba meelaha kabkaas soo galiyay Odoroskooda Miisaaniyadooda waxa ka mid ah, Hay’adda Dekaddaha Somaliland oo soo codsatay in laga kabo aduun dhan $1.2 Milyan Dollar oo Shilling noqanaysa 11,760,000,000 SLSH (bank rate/9800 SLSH), Hay’adda Dekaddaha Somaliland waxay Odoroskeeda Miisaaniyadeed ku sheegtay in ay ka yar tahay Miisaaniyada sanadkani 2019ku tii sanadkii hore xadi dhan 7%. Lacagtaas waxa la sheegay in lagu lagu horumarin doono adeegyada badda gaar ahaa.

o Dhismaha iyo qalabaynta port control casri ah oo lagu hago maamulka gaaddiidka badda,
o Dib u dhiska taawerada faynuusyadda badda.
 Odoroska Dhakhliga Miisaaniyada Hay’adda Dekaddaha Somaliland ayaa lagu sheegay in uu noqon doono sanadkan 2019ka aduun dhan 2.15 Milyan Dollar.

 Sidoo kale, Odoroska Miisaaniyada Baanka dhexe ee Somaliland waxa ka dhex muuqada dalab lacageed oo ay Dawladda dhexe waydiisanayaan in loo soo celiyo kharash ay sheegeen in uu ku baxay Madaxweynihii hore ee Somaliland Axmed Siilaanyo kaas oo waraaq Sumadeedu tahay JSL/M/WM/240-5292/122017 kuna taariikhaysan 02.12.2017 kaga dalbaday daboolis kharash dhan 19,437,028,622 SLSH kaas oo ku baxay Madaxweynihii hore, Qoraalka waraaqada ayaa sidoo kale faraya in loogu dayn ahaan Miisaaniyada 2018ka. Haddaba Baanka dhexe ayaa ku daray una aqoonsaday dhakhli odoroska oo uu ka sugayo in Dawladda dhexe u soo celiso.

 Sidoo kale, waxa jira kab kala duwan oo ay soo xisaabsadeen Wakaalada Biyaha Gabilye, Wakaalada biyaha Burco IWM.

Haddaba, Isdiidooyinka meesha ka muuqda ayaa ah in ay aad u kala badan yihiin kabka ay Dawladda dhexe ugu talo gashay qaybaha kala duwan ee Dawladda iyo Dalabaadka badan ee ah kabka ee ku jira Miisaaniyada Haayadaha Madaxa banaan. Waxa is waydiin leh Golaha Wakiilada ee ansixiyay Miisaaniyada miyaanay darin isdiidooyinka xisaabeed ee ka muuqda Buuggta Miisaaniyada.

WQ: Cabdikani Mohamed Cige
fmcige@gmail.com

Halkan guji si aad ula degto maqaalka Gorfaynta Miisaaniyadda 2019 oo PDF ah

……….

Tixraac.

– Miisaaniyada Dawlada 2019, 2018 iyo 2017.
Halkan ka eeg: http://somalilandparliament.net/parliament-business/goverment-budget/

Comments

comments

Leave a Reply

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.