Goormuu Xayawaanku Ka Xurmo Batay Aadamaha?

0
Goormuu Xayawaanku Ka Xurmo Batay Aadamaha?

Goormuu Xayawaanku Ka Xurmo Batay Aadamaha?

Xisbiga mucaaradka ah ee Waddani ayaa luuqad adag kaga hadlay heerka caddaaladda dalka oo uu ku sheegay mid jahadii loogu talo galay ka leexday. Xisbiga ayaa garsoorka ku macneeyay xero dhiigta xuquuqal aadamaha. Waxa uu si gaar ah u weeraray nidaamka madaxweyne Biixi oo uu sheegay in uu la kawsaday falal xaqdaro ah.

Xoghayaha caddaaladda ee Waddani Barkhad Jaamac Batuun ayaa si kulul u eedeeyay xukumadda Muuse “Muddadii xukumaddan cusub waxa bilawday xadhiggii ugu badna iyo tacadigii mudaawiniinta Somaliland. Madaxweynuhu wuxuu ku soo ololeeyay sarraynta sharciga. Muddadaas saddexda bilood ku dhaw waxa la xidhay ilaa 30 qof oo sidii maxkamadaha kolba rumaan loo gaynayay badhkood lagu ilaabay,” Sidaas ayuu yidhi Mr Batuun.

Waxa uu sheegay in garsoorka dalku dad curyaamiin ah ku xukumay 3 sanno iyada oo dambi looga dhigay in ay wasiirro ka hor buuqeen “ Waxa dhacday hooyo ilmaheedii laga xaday oo sheegtay in ay meel walba soo martay markii ay heshay dadkii ka xaday lagu xukumay laba sanno, dad diin lagu qabtayna waxa lagu xukumay 3 sannadood,” Sidaas ayuu yidhi Batuun oo soo dhigay su’aal ah goorma ayaa xayawaanku ka xurmo batay Aadamaha?

Xoghayaha caddaaladda ee xisbiga Waddani ayaa sheegay in haddii garsoorka oo ah halka loo ciirsado marka caddaalad darro la tirsada leexday ay horseedayso kacdoon dadweyne. Waxaanu arrimahan ku macneeyay kuwo aan laga aqbali Karin waaxda garsoorka oo uu ku baaqay in dib u eegis lagu sameeyo dadka garsoorka ku jira.

Caddaaladda Somaliland ayaa calaamatul su’aal la dul dhigay markii 5 qof oo lagu qabtay iyaga oo diin doonaya in ay iibsadaan lagu xukumay 3 sannadood iyo lacag ganaax ah, dad lagu helay dambi ah in ay qof xadeena lagu xukumay laba sannadood. Garsoorka oo arrintan la sii waydiiyay ayaa ku dooday in aan la hayn sharci dhigaya xukunka dadka dadka xada laakiin, arrintaasi waxa deedafeeyay Mr Batuun oo ku dooday in sharciga qofka soo xidhay dhigayo ciqaabtiisa haddii kalena aanay ahayn in la eedeeyo oo la soo xidho.

 

Comments

comments

Leave a Reply

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.