Golohii Guurtida yaa Arkay?

0

Golohii Guurtida yaa Arkay?

Waxaa Ceeb iyo Nasiib-darro ah in ay Fasax galeen oo ay Caasimada Hargeysa iska fadhiyaan Xubnihii Golaha Guuritda iyo Gudoomiyahoodii oo ay Shaqadooda u Muhiimsani ay ahayd ka shaqaynta Nabadgelyada Ummada.

Waxay ahayd in ay u kula baxaan Gobolada Dalka gaar ahaan Ceel-Afweyn iyo Gobolada Bariga iyagoo Gudoomiyahoodi uu hor kacayo oo ay Nabada dhexda u xidhaan oo ay Beelaha is dilaya Nabadgelyadooda ay u gurmadaan.

Waa ayaan darro inay Mooshino iyo Muddo kordhimo isku mashquuliyaan iyada oo uu dhiig qubanayo.

Waxaan ka Codsanayaa Gudoomiyaha Guurtida inuu Golaha Guurtida uga yeedho fasaxa oo ay shaqadooda qabsadaan oo uu isagu hor kaco oo ay degdeg u tagaan Ceel-afweyn iyo goobaha kale ee ay Nabadgelyo darradu ka jirto.

Ummada reer Somaliland iyo Taariikhdu cafin mayso kuwa ka gaabiyay ee isku daawanaya ee xallin kari waayay dhiiggaas qubabaya Afarta Sanadood.

Colaadii ka dhacday Degmada Darroor ee Hawd oo socotay dhawr usbuuc oo ay ku dhinteen dad gaadhaya Laba Boqol oo qof waxaa lagu xalliyay maalmo yar oo kooban waana la soo afjaray oo xataa cid danbe oo hadal haysa lama arag, hadaba waa maxay Colaadan Afarta Sanadood jiitamaysa ee waliba ka dhimashada yar Colaadii Darroor ee hadana ilaa imika socotaa? Xagee ayay Nabadu ka xidhmi la’dahay? Yaa Colaadan ka faaiidaya ee dabada ka riixaya? Yaa ka gaabiyay masuuliyadii ka saarnayd soo afjarida colaadan?

Waxaa loo baahan yahay in Xukuumad iyo Shiciba la is weydiiyo suaalo qadhaadh ka dibna jawaabo sax ah loo helo sidii loo soo afjari lahaa Colaadan.

Waxaa Hubaal ah haddii aan degdeg loo soo afjarin oo aan colaadan la soo gebogebayn inay meelo kale ku fidi doonto, ka dibna uu arrinkeenu ku danbayn doono Xayd ma la iloobay?

Allah ha laga baqdo oo qof kasataa Masuuliyada saaran si fiican ha uga soo dhalaalo.

Amb. Kaysar Cabdilaahi Maxamed

Comments

comments

Leave a Reply

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.