Golaha Guurtida Oo Mudo Kordhin Sannad Iyo Toban Bilood Ah Qalinka ugu duugtay Xukuumadda Siilaanyo.

0

Hargeysa(Sayruuq)Golaha Guurtida jamhuuriyadda Somaliland ayaa waqtigan ku gudda jirra muddo kordhinta xukaamadda kulmiye taaso waqtigeedu gabaabsiga yahay ,ilo lagu kalsoonayahy ayaa soo wariyey in Daawaha ay saantahay sannad iyo toban bilood oo mudo kordhin ah taaso hor Koomishanka dooroshooyinku tibaaxeen in Doorashaddu ku dhici karto sannad Gaw ah .balse guurtida ayaa Daraato labbada Xisbi ee KULMIYE iyo UCID ugu saxeexeen muddo Sannad iyo badh ah ,taaso Gudoomiyaha Xisbiga UCID-na sa adag u sheegay in haddi mudda ay saxeen maalin la dhaafiyo uu dalka Talo Xumadiisa iskaga bixi doono.

Xukuumadda madaxweyna Silaanyo ayaa cadho xad dhaaf kaga jawaabay Dhawaaqa Koomishanka iyago islamarkaan soo istaadhay Tareenka Dhuxul-dhagaxda ee Guurtidda oo si indha la`aan ah kolba Xukuumadda waqtigeedu dhamaado labba sanno oo kudhis ah ku kabta .

Argtidda Xisbiyadda Mucaaridka

Xisibaga mucaaridka ah Ee WADANI ayaa hore u daadifeeyey sannad iyo badhka ay saxeexeen asaxaabtu waxaan sheegay inaaney jirrin wax heshiis ah oo Hore u dhex maray Saddexdda Xisbi Qaran ,isagoo taageerayaashiisa ugu baaqay Maanta Oo ISNIIN ah Mudaharaado silmi ah oo ka qabsooma dalkoo dhan ,wallow ay ka badan doonan mudaharaadadu haddii Guurtidu ka dhabayso Sannadka iyo Tobanka Bilood.

Xisbiga Mucaaridka ah ee UCID oo isagu eegay danta qaranka iyo xasiilooni inay ku qabsoomaan Doorashooyinka madaxtooyadda iyo Wakiiladda balse siddi ay horeba uga dhawaajeyeen Gudoomiyaha Xisbiga iyo Cali Gurey in aaney ogoleeyn waxay saxeexeen mooye muddo ka badan ,balse xaalku uu gadaal iska badalay ,taasino waxay UCID ku noqonaysa qaadan waa iyo Xaalad Mucaardnimo oo aan hore lo arag.

Isku soo wadda duubo xaaladda amaan ee dalka ayaa saaka aad loo adkeeyey iyado isgoyas-kasta ay dhooban yihiin ciidmo ku gadaaman qoryaha AK ,Taaso hadii mudaharaado dhacaan ay qasaaro badan soo gaadhi doonan Cidamada iyo shicibkaba .

Xigasho: Somalilandi

 

Comments

comments

Leave a Reply

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.