Golaha Guud Ee Qaramada Midoobay Oo Taageeray Falastiin Iyo Maraykanka Oo Waji Gabax La Kulmay

0

Hargeysa(Sayruuq) Golaha guud ee Qaramada midoobay ayaa khamiistii iskugu yimid kulan guud oo degdeg ah kaas oo uu agaasimay Madaxweynaha Turkiga Reccep Tayyip Erdogan. Fadhigan ayaa lagaga dooday go’aanka Maraykanku magaalada Barakaysan ee Qudus ugu aqoonsaday caasimadda Isra’iil waxaana ka soo horjeestay badi dalalka dunida ee xubnaha ka ah Qaramada Midoobay.
Majooratiga Golaha Guud ayaa isku raacay in aanu go’aanka Maraykanku sal iyo raad lahayn, islamarkaana wax sharciyad ah ku fadhiyin. 128 Waddan ayaa taageeray go’aanka golaha guud soo saaray waxaana diiday 9 Waddan halka 35 dal ka aamustay.
Madaxweynaha Maraykanka Donald Trump ayaa Arbacadii ku hanjabay in waddamada ka soo horjeesta go’aankiisa uu ka jarayo mucaawimada uu siiyo, hase ahaatee cidna dheg jalaq uma siin waxaanu golaha Qaramada Adduunka kala kulmay waji gabax maaddaama si aqlabiyad ah loo diiday go’aankiisa.
Wariyaha telefishanka Aljazeera ee faaqida arrimaha siyaasadda Marwan Bishara ayaa sheegay in go’aanka Qaramada Midoobay loo arko mid lagu taageeray sharciga caalamiga ah. Waxa uu sheegay in codaynta Qaramada Midoobay tahay mid bahdishay Maraykanka. Waxa uu sheegay in ay Waddamada xubnaha ka ah Qaramada Midoobay u arkayeen go’aanka Trump mid carqalad ku ah sharciga caalamiga ah.
Madaxweynaha Falastiiniyiinta Maxamuud Cabaas ayaa markii codayntu dhammaatay sheegay in ay u mahad naqayaan golaha, islamarkaana ay uga dhigan tahay in ay haystaan taageerada caalamka oo ah in sharci ahaan Qudus tahay dhul la haysto, islamarkaana aanay xaqiiqada bedeli Karin cid go’aan dhinacsan iska qaadatay sida Maraykanka.
Wasiirka arrimaha dibada Turkiga Mevlut Cavusoglu oo ah dalka Agaasimay kulanka ayaa boggiisa Twitter-ka ku qoray “Maanta bulshada caalamku waxay mar kale muujisay in aanay sharafta iyo Qarannimadu iib ahayn. Turkiga, Falastiin iyo cid kasta oo nala kafaalo qaaday qaraarkan waxay u mahad celinayaan waddan walba oo Golaha guud ee Qaramada Midoobay ah kaas oo taageeray qaraarkan Falastiin.”

No automatic alt text available.

Comments

comments

Leave a Reply

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.