Gobolada iyo Degmooyinka Somaliland oo si Nabad ah Looga Oogay Munaasibadda Ciidal Fidriga

0

Hargeysa(Sayruuq)- Guud ahaan Gobolada iyo Degmooyinka Somaliland ayaa si balaadhan looga Oogay Salaadda CIidal Fidriga, iyagoo kumanaan dad weyne ahi iskugu soo baxeen Goobaha Salaadda lagu tukado Xiliyadda Ciida.
Gobolada iyo Degmooyinka ayaa si nabad galyo ah ay Dadweynuhu uga Ciideen sida ay ku soo waramayaan Wariyeyaasha Gobolada. Waxaan Shacabka kala qayb galin sanadkan Wasiirada, XIldhibaanada iyo Masuuliyiinta kale oo inta badan Xukumaddu u diri jirtay Gobolada si ay Dadweynaha ula tukadaan.
Saylici-21-300x199
Magaalada Hargeysa ayaa si balaadhan looga Tukaday Salaadda Ciida, sidoo kalena Bulshadu iskugu soo baxday Jidadka iyo Goobaha Salaadda lagu Camiro, iyagoo iskugu hambalyaynaya Salaadda Ciida. Madaxweyne Xigeenka ayaa Masjid Jaamaca weyn kula tukaday Dadweynaha. Waxa kale oo Wasiiro iyo XIldhibaano kula tukadeen Shacabka Garoonka Kubadda Cagta ee Hargeysa Stadium.
iid
Magaaladda Burco ee Caasimada Gobolka Togdheer ayaa iyana si balaadhan looga Tukada Salaadda, sidoo kalena looga dareemayay Astaamaha Ciida iyo Dadka Farxadda isku qaabilaya. Masuuliyiinta Gobolka ayaa dadkii ugu badnaa kula tukaday Garoonka kubadda Cagta ee Alamsay.

Sidoo kale Magaalada Berbera ee Xarunta Gobolka Saaxil ayaa si weyn looga Ciiday. Masuuliyiinta Heer Gobol ee Saaxil ayaa Shacabka la tukaday. Waxaana CIida looga Oogay si nabad galyo ah. Masuuliyiinta Diinta iyo Awqaafta ee Gobolka ayaa ka digay Dhalin yaro Dalxiisa oo dhaqan xumo ka sameeya Berbera xiliyadda Ciidaha, kuwaasi oo Badda u dalxiisaya.

Xarunta Gobolka Sanaag ee Ceerigaabo ayaa sidoo kale ka mid ah Meelaha sida balaadhan looga Ciiday. Gudoomiyaha Gobolka iyo Masuuliyiinta kale ee Sanaag ayaa Salaadda Ciida kula tukaday Shacabka Fagaaraha kubadda Cagta ee Daalo Stadium.

Sidoo kale Magaalada Boorama ee Xarunta Awdal, Laascaanood iyo Magaalooyinka kale ee Waaweyn ayaa sidaasi si lamid ah looga tukaday Salaadda Ciida.
Culimada iyo Madaxda Gobolka ayaa dadka u jeediyay KHudbado iskugu jira Wacdi Diini ah, Duco iyo Hadalo dardaaran ah oo ku aadan wada jirta iyo horumarka Umadda Somaliland

Comments

comments

Leave a Reply

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.