Gobol Mamnuuc Ka Dhigay In Habeenkii Ay Haasaawe Ku Kulmaan Wiilasha Iyo Gabdhuhu, Labada La Isku Qabtana Qasab La Isugu Guurin Doono

0

Jakarta (Sayruuq)- Guddoomiyaha degmo ka mid ah gobollada dalka Indooneesiya ayaa soo saaray go’aamo uu dadka xidhiidhka jacayl ka dhexeeyo ee aan is qabin kaga mamnuucayo in ay kulmaan habeenkii, gaar ahaan wixii ka dambeeya sagaalka fiidnimo. Dedi Mulyadi oo ah guddoomiyaha degmada Purwakarta ee gobolka galbeedka Java ayaa sharcigan si rasmi ah u dhaqan geliyey kadib markii muddo uu tijaabo ahaa lagu xukumay dhowr tuule oo isla degmadan hoos yimaadda bilowgii bishan aynu ku jirno ee Oktoobar.

Guddoomiye Mulyadi oo la hadlay wargeyska dalka Indoneesiya caanka ka ah ee Kompas ayaa yidhi, “Ujeedada sharcigan cusubi waa in dhalinyarada lagu dhiirrigeliyo in ay fiidka hore seexdaan, isla markaana ay dhowraan sharafta aabayaasha iyo hablahooda, iyo in lala dagaalamo uurka aan sharciga ahayn oo aan la jeclayn” Arrinta kale ee xiisaha leh ayaa ah in sharcigani uu dhalinyarada isjecel u xaddiday meelo gaar ah oo la wada yaqaanno oo ay ku kulmi karaan, si aanay xumaani uga dhicin haddii ay meel gaar ah isla tagaan, “Si ixtiraam leh ayaa ay ugu kulmayaan” ayaa uu yidhi guddoomiyaha oo sheegayey wanaagga goobtan uu u asteeyey in dadka isjeceli ku kulmaan. Waxaana goobahaas lagu diyaariyey kuraasi, miisas iyo weliba internet ka WiFi oo aad u awood badan, laakiin albaabo ma’laha waxaana dusha sare ku rakiban kamarado badan.

Waxaa iyaduna xiise gaar ah leh xukun-ciqaabeedka uu sharcigani ku soo rogayo wiilka iyo gabadha la qabto iyaga oo aan is qabin oo sagaalka fiidnimo kadib wada socda, xunkaas oo ah in saddex jeer loo digo, marka afaraadna qasab la isugu guuriyo iyada oo arrintaas waalidiintana lagu qancinayo. Illaa hadda sharcigani waxa uu qasab isugu guuriyey Ipin oo ah nin 50 jir ah oo ay xaas hore kala tageen iyo Teti oo ah 46 sano jir carmal ah oo laba carruur ah haysata, kadib markii booliisku uu dhowr jeer qabtay ninka oo habeenkii saacadaha dambe guriga gabadhan ku gudaya, digniino la siiyeyna iska dhego mariyey.

Guddoomiye Dedi Mulyadi ayaa warkan oo uu Geeska Afrika turjumay ku sheegay in boqolkiiba 70 tuulayaasha iyo degmooyinka 193 ka ah ee hoos yimaadda gobolka sharcigan cusubi ka dhaqan gelayaa ay soo dhoweeyeen soona saareen wareegtooyinka sharcigan ay ku dhaqangelinayan.

Xigasho-Googooska Geeska

Comments

comments

Leave a Reply

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.