“Go’aanka Baarlamaanka Somalia Nama Khuseeyo,” DP World

0
“Maalgashadeyaashu Ha Ka Taxadaaran La Macaamilka Jabuuti,”Dp World
Sawir Hore

“Go’aanka Baarlamaanka Somalia Nama Khuseeyo,” DP World

Shirkadda maamusha dekedda Berbera ee Dp World ayaa sheegtay in aanay wax walaac ah ka qabin go’aanka baarlamaanka Soomaaliya ku sheegay in dalka lagaga mamnuucay. Guddoomiyaha guud ee shirkadda Sultan Axmed Bin Sulayman oo saxaafadda kula hadlayay Dubai ayaa sidoo kale dhalliilay tallaabada dawladda Jabuuti kula wareegtay dekedda Doorale.

Guddoomiyaha DP World waxa uu sheegay in aanu khusayn ama wax walaac ah ka qabin go’aanka Isniintii baarlamaanka Soomaaliya ku sheegay in heshiiska Berbera yahay waxba kama jiraan, islamarkaana DP World kaga mamnuucay Soomaaliya. Hore ayuu guddoomiye Sultan Axmed u sheegay in aanay saamayn ku lahayn hadallada madaxda ugu saraysa Somalia.

Guddoomiyaha DP World waxa uu sheegay in ay maalgashiga Afrika dhaawacayso talaabada Jabuuti qaaday ee ah in ay si xoog ah kula wareegto dekedda Doorale ee DP World maamulaysay “Afrika waxay u baahan tahay in kaabeyaasheeda la maalgaliyo laakiin, haddii dawladduhu sharcigooda iska bedelan karaan(Iskana qaatan hantida) waxay arrin adag ka dhigaysa in ay soo jiitaan maalgashiga,” Sidaas ayuu yidhi Axmed Bin Sulaymaan.

Shirkadda DP World ayaa soo bandhigtay macaashkeeda 2017 waxaanay sheegtay in ay samaysay koritaan faa’iido oo 14.9% 2017, islamarkaana ay heshay 1.18 Bilyan oo faa’iido ah waxaanay 1.4 Bilyan doolar ku maalgashanaysa dekedo dunida ah oo ay ka mid tahay dekedda Berbera ee Somaliland.

Sayruuqnews

Sayruuqnews@gmail.com

Comments

comments

Leave a Reply

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.