Go’aan Adag oo Laga Gaadhay Arday Weerar Khasaare Leh u Gaystay Guddida Sare ee Jaamacadda Hargeysa

0

Hargeysa (Sayruuq)- Jaamacadda Hargeysa, ayaa go’aan adag ka qaadatay koox arday ah oo ay sheegeen inay gaysteen weerar sababay khasaare nafadeed iyo mid maalba maalintii Arbacada ee toddobaadkan, iyadoo weerarkana lagu qaaday hool ay ku shirayeen guddida sare ee Jaamacadda Hargeysa.

jaamacada-hargeysa

Sidaana waxa lagu sheegay warsaxaafadeed ka soo baxay Jaamaacadda Hargeysa oo lagu socodsiiyey daneeyayaasha Jaamacadda, laga ogaysiiyey taliska booliska, waxa isagoo faahfaahsan uu u qornaa sidan;

“Maanta oo taariikhdu tahay 18 June 2015, waxa maamulka iyo Guddida Sare (BOD) aad uga xun yihiin in karaamadii iyo maamuuskii Jaamacadda iyo weliba mustaqbalkii ay dhisayeen ee hagaajinta iyo tayeynta jaamacadda meel lagaga dhacay, kaasoo ay ku kaceen koox arday ah oo gaystay fal argagax leh oo sababay dhaawac isugu jira naf iyo maal.

Maalintii Arbacada ee taariikhdu ahayd 17 June 2015, saacaduna ahayd abaaro 10:15am, ayaa waxa ka dhacay fal weerar ah hoolka shirarka ee Kuliyadda Caafimaadka Jaamacadda Hargeysa, goob-joogna ay ahaayeen guddida sare iyo xubnaha ka tirsan maamulka sare (Senates).

Haddaba, dhacdadan foosha xun oo ahayd markii ugu horaysay abide e ay ka dhacdo Jaamacadda Hargeysa, taasoo u muuqatay fal abaabulan oo la soo qorsheeyey, waxa falanqayn dheer kadib Jaamacadda Hargeysa go’aansatay;

  1. Inay ku abaalmariso ardayda falkaas gaysatay si waafaqsan xeerka ardayda ee jaamacadda
  2. In la eryey dhammaan kooxdii ardayda ahayd ee falkaas gaystay, laga bilaabo taariikhda falkan dhacay oo ahayd 17 June 2015
  3. In aanay jaamacaddu mar dambe u dulqaadan doonin fal noocan oo kale
  4. In ciidanka boolisku ka guto waajibkiisa sharciga ah, xil gaar ahna iska saaro ilaalinta nabadgelyada iyo kala dambaynta
  5. In dhaawac muujin loo sameeyo masuuliyiinta dhaawacu ka soo gaadhay falkaas foosha xun,” ayaa lagu yidhi warsaxaafadeedka oo uu ku saxeexan yahay Guddoomiyaha Jaamacadda Hargeysa Cabdi Xuseen Gaas.

Comments

comments

Leave a Reply

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.