Geedkii Jacaylka !
Waxaanu magaalada ka daganayn Hindian Line oo u dhaw garoonka kubadda kolayga ee Timacade , waxaa ku hor yaalay geed wayn oo aad u dheer , habeen ay saacadu ku dhawayd abaaro 1:00 habeenimo , ayuu laanta ugu soo sokaysa geedka oo toos ugu beegan kaabada gurigayaga nin iska soo del-delay .
Nin dheer ayuu ahaa , abaaro 3:00 habeenimo ayaa guriga askari nagu soo jabin gaadhay .
Xaafadii oo dhan ayaa kacday, markiiba su’aalo ayaa nalagu boobay , qaar ka mid ahaa xarunta danbi -baadhista ayaa markiiba ku dhaaratay in cida ninkan dishay aanu anaga nahay .
Jaarkii ayaa noo soo gurmaday oo yidhi ‘’Aqoonta aanu u leenahay reerkan Ilma Sheekh Nuux marna kama suurto gasho inau falkan ku kacaan ama isku dayaanba .’’ Su’aalo boolis aan dhamaad lahayn ayaan uga jawaabay , kumay qancin , iyadoo xaaladu taagan tahay idinkaa dilay ninkan ee soo baxa oo gaadhigii nalagu gurayay la diyaariyay ayuunbuu Illaahay arrintii fududeeyay.
Nin ka mid ah booliskii meesha joogay ayuunbaa yidhi , ninkan waxaan qiyaasayaa inuu yahay Ethiopian mase hubo , guryahan ma dagan yihiin cid reer Ethiopia ahi.
Markaasaanu u tilmaamnay gurigii naga soo hor jeeday oo ay gabadh Ethiopian ahi qol ka daganayd , hadda ayuu garaacay oo laga furay albaabkii , markiiba waxaa lagu garaacay qolkeedii gabadhii Ethiopianka ahayd .
Maadaama oo uu afka garanayay, gabadhii ayuu dibada u soo saaray , isla daqiiqado yar ka bacdina waxay qac ku siisay ninka dheer ee geedka ka soo dal-dalan .
Qaylo ayaa ka yeedhay , way khal-khashay , isla daqiiqado yar gudahoodna waxay u sheegtay inay galabtii wadda joogeen ninkan caawa maydkaa.
Kiiskii gabadhaa nagu soo biirtay , walise wax ma kala cada, waxay u dhawdahay in saldhiga na loo kaxaynayo .
Bari la soco in Sha Allah.
Suldaanka Dhalinyarada Somaliland