Garnaqsiga Jamaal Gododlaynta Faysal iyo Gartii nabi Saleebaan

0

Waxaa qalinka loo qaataa ama wax loo qoraa waa dareen kugu dhasha iyo in aad tilmaanto qeexdo wixii aragti kolkaa dareenkaasu kugu abuuray ,nin Saxafiya oo  soodaaniya ayaa wuxuu halhays u lahaa anoo qolkayga ku jira ayuunbaan arkaa xukumada oo darjiidhay kolkas ayaan qalinka laboodaa oo aan qoraa waxaan sax u arko ee nina col lama ihi.

Waxaan uga gol leeyahay khilaafka ka curtay Ucid ee lamaarayn layahay  sheikh iyo shariif xagay salaadu ka xidhmi ladahay  mise arinki wa sidii heestii Ucid ee lahayd :

Nin ildheerlahoo godna sii arkaday

Ogna in ay shaxdani jari oodantaha

Ali garleh Caydiid garleh camal miyaa taladu

Suldaan Maxamed  iyo duqaydii kulantay madigo iyo dambasbay kala iibsadeen

Waxaa umada Somaliland ka daawadeen haldoorkii laba beelood oo Hargesya ku shiray iyagoo ku dhawaaqay in khalaafkii Ucid dhamaaday inta hadhayna gudi loo saaraayo, sidaas ayaa Umadda Somaliland loo sheegay .

waxaana markale hadana xafladii Wadani iyadoo raadkii hadalkii hore qoyanyey dhawaaq dhiilo xanbaarsani uu ka soo yeedhay , Suldaan Maxamed Cabdiqadir dhawaqaas oo  gilgilay goobaha siyaasada isagoo  sicadna ugu baaqay  Jamaal Ali Xuseen murashaxa Ucid in uu ku soo biiro Wadani hadalkaas oo markale cirka ku shareeray  rajadii laga qabay xalinta khilaafka una muuqday talada Ucid in aan la rogrogin walina ay surin oodan ku jirto arinkaas oo ceeb iyo lafjaba ku ah duqayda gashay arinka ,Waa hadii aan digo iyo danbas labadoodu aanay kala iibsan ama aanu arinku ahayn hogdaloola oo qolo ooda dusha ka saarayso waana halkii ninkii uu ka gabyey isagoo leh:

Good iyo abeesbaan sidaa garanamaysaane : guddidiin xumataye sun baad gowska dhigateene

Gorgortanka Faysal iyo gododlayntiisa

Waxaa nin walaba u cad in ay kuwada jiraan Faysal Ali waraabe , xisbiga kulmiye iyo xukuumada is barkani Honey moon ama safarjaceyl oo xiisa leh taas oo uu ku kasbaday Faysal sidii fiicnayd ee uu ugu shaqeeyey kulmiye kolkii lawaday kordhintii madaxweynaha arinkaas oo uu Faysal si hagarla’aana uu ula shaqeeyey xisbiga kulmiye maxabo iyo kalgacalna uu kaga kasbdaday qasriga madaxtooyada iyo xisbiga kulmiyaba .

Istaas markii ay kala gaadhay xukumada iyo Faysal ayaa hadana waxaa loo soo dhiibay mashruuc kale oo ah ku qabso ku qadimayside kaas oo Jamaal Ali Xuseen uu leeyey waan qiimanayaa arinkaas oo keenay in xisbigiisi uu jahawareergalo sidaas oo xukumadu rabto .waxaana la leeyahay waqtigaa Jamaal laga ridayaa  se aakhirka murashaxnimadiisa waa loo daynayaa waa hadii aanu murashax noqon Faysal arinkaas oo kolkii hore u ahaa xukumada iyo xisbigeeda plane A ka horana  uu u ahaa plane B  se imika waxaa muuqata in plane A fashilmay.

Dhinaca kale wuxuu gorgortan kula jiraa Faysal  odayaal rer Burco ah kuwaas uu burco kula shiray sida wararku sheegayaan quudaraynayana in ay beec lagalaan   .

Waxaa halkaa ka muuqata in xaalka Faysal uu marayo halkii uu ka gabyey Sayid Maxamed markii nin uu gacanqabtay waqtiyo badan uu ka leexday isagoo dhuuni karaacaya s Sayid maxamed isagoo tala siinaya ninkaas ayuu yidhi:

Arinkaagu waa hunguri hababadiisiiye

Uurkaaga uun dharagladoon waa allow sahale

U adkayso  gaajada oday caaqilaa tahaye

Waxaanaad moodaa taladii  Ali dhuux in uu Faysal dhinac  maraayo kolkii uu lahaa:

Cad haduu carada ku dhaco amase ciidoobo

Caqli nin uu ku waynyahay macuno calafka qaarkiise

Taas oo kadhigan kurisga Jamaal ee uu hungaraynayo ama cidkalaba u wado in uu yahay cad aanuu gayin.

Garnaqsiga jamaal waa Garwaa loo wada islaam

Waxaa qofwalba u cad in Jamaal lagula kacayo dulmi cad oo aan geed loogu soo gaban weerar aan kala go,lahayna lagu hayo waxaana arintaas sii murginaysa kolka uu ninkii shalay ay meel ka soo wadajeedeen ee xukumada kulmiye gaadhsiisay waa Gudomiye Faysale in xisbigiisii laba u kala jabiso ninkii uga soo gurmaday uu rabo in uu garbaduub u xidho

Garabgal iyo taageer ninkay Goobba iga keentay

Isna ganafka igu duugayaan gacalkay moodaaye

arikaasu  waxaa u haboon Faysal in dib uga joogsado ama wuxuu noqondonaa barmadow oo taariikhdisa ku taal gaar ahaan markii ay cadaatay in uu isagu yahay ninka tol iyo xigaalaba loo taaglayey gudintana ku goynaya geedkii uu beeray isagoo damac ragkale wada.

Arinkaas oo Jamaal ku kalifay in  intii  heshiiskooda goobjoog ka aheyd uu u sheego in ay arinka soo dhexgalaan waxaana halku dhigiisu ahaa :

Keene gardaran halayna kala  garte ina keen golaha

Waxaana ka muuqata Jamaal sabir iyo dulqaad siyaasadeed iyo in uu yahay nin u tudhaya xisbiga Ucid iyo taageerayaashiisa waxaanaad mooda in Jamaal iyo Faysal arinkoodu u eegayay gartii uu qaaday nabi Saleebaan kolkii ay laba dumari isku qabsadeen qof caruura iyadoo midi aan  qofka dhalini ku dooday inay dhashay Nabiguna wuxu yidhi waan idiin kala jarayaa dabadeed tii dhashay ayaa tidhi wadasii hakala jarine tii kalana waxay tidhi noo kala jar kolkaas ayuu fahmay mida dhashay .

sidaa darteed marka uu Jamaal leeyahay xisbiga yaanaynu maxakamad galinin Faysala uu sidaa kuwado miyaanay u eekayn sidaa .

Gabagadii waxaan sugnaaba waa ayaamaha soo socda hadii Faysal ka daynwaayo xisbiga qaska waxaa haboon in Maxakamadda sare ay isha ku hayso  Xukunkii nabi Saleebaan ee anay xukumin kii dawacada ee hilibkii habar dugaag wada lahaa  u  xukuntay Libaaxa kolkii libaaxi uu waydiiyey dawacow cadaalada yaa ku baray waxay tidhi isha Cali ka laalaada i bartay.

A . N. Hassan

29/12/2015

Comments

comments

Leave a Reply

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.