Gari allay taqaan!

0

Gari allay taqaan!

Dilka bahalnimada ah ee loo gaystey Caasho waa mid argagax leh aadna looga xumaado, dadkii geystayna waxaa ay mudanyihiin ciqaab midda ugu kulul si ay u dhadhamiyaan khadhaadhka falkii ay ku kaceen kuwa ka dambeeyana tusaale ugu noqdaan.

Caaisha iney caddaalad hesho waa masuuliyad wadareed ay bulshada Soomaaliyeed wada qaadeyso. gaar ahaanna masuuliyadda waxaa qaadaya dadka magaalada Gaalkacyo iyo agagaarkeeda dagan oo falkaa foosha xun uu dhowr mar dhulkooda ka dhacay walina aan maqlin in dadkii dhagartaa gaystey ay caddaaladda waajaheen!

Waxaase iila macno daran aniga qofka dhacdo kasta dhaliil uga dhax raadiya culimada Soomaaliyeed oo laf-dhabar u ah bulshadeena waligoodna soo ahaa dadka loogu karaameynta badanyahay.dhacdadan xanuunka badan ee isku duubnida iyo midowga u baahan ayay uga faaiideysanayaa iney hoos u dhigaan qiimaha culimadu leedahay. cambaareyn,dhalliil ka fog caddaaladda iyo suura xumeyn joogta ah ayay kala dul dhacayaan culimadeena iyaga oo moodayo inay qiimohooda dhaawacayaan, bulshaduna ka aamin baxayso kadibna ay booskooda buuxinayaan.

Isla kooxdaa culima diidka ah waa kuwa marka ay culimadu la fal-galaan nolosha ee ay ra’yigooda ka dhiibtaan dhacdooyinka wadanka ka dhaca af-lagaadeeya ikhyaarta xambaarsan kitaabka ilaahey iyo sunada nabigeena suuban (NNKH) iyaga oo ku dhaliilaya aragtida ay culimadu ka qaataan dhacdooyinka. ogoow culimadu macsuum ma aha, uur ku baalle cilmiga dahsoon ogna ma aha, waa bashar inaga oo kale ah gafa in badan in badanna asiiba labada marbana ajar leh. sidoo kale muhim ma aha in go’aamada iyo aragtiyaha ay qaadanayaan ama fatwooyinka ay soo saarayaan ay waafaqaan rabitaankaaga.

Culimo diidka waxaa hal heys u ah: “wadaaddaa tihiine masjidkiina ku ekaada oo fatwadiina haysta uma baahnine, farahana kala baxo dhacdooyinka bulshada”. waxaad mooddaa in ay bulshada af-hayeen u yihiin! diinteenuna ay tahay mid aan saameyn laheyn shaqadeeduna tahay in lagu cibaadeysto kaliya. dooddaa waa midda calmaaniyiinta diin la diririka ah ay doonayaan in ay ku dhax faafiyaan dalkeena u taagnaa quruumaha badan difaaca iyo baahinta diinta Islaamka!

Dhanka kale marka uu dhaco fal argagax leh oo u baahan ka fiirsasho iyo u kuur galid si xal waara oo aan hadal aheyn looga gaaro, waxay duulkaas markii hore culimada ku faduuliyay maxaad u hadasheen yoolkooda qarsoonna yahay in diintu aysan nolosha saameyn ku yeelanin culimada ku dhaliilaan in aamuskoodu caddeyn u yahey ineysan bulshada daneyneynin, xanuunkeedana ay ka fogyihiin, dhibka dadkeena haystana uusan damqeynin. qaarkoodna waxaa ayba qabaan in ay culimadu qayb ka tahay dhib walba oo dhulkeena ka dhaca!

Maadaama marka dhibaato dhacdo midkii necbaa iyo kii jeclaaba dhanka wadaadada lasoo eegayo miyeysan aheyn kooxda ugu muhiimsan bushada ee xalka laga sugayo? sidoo kale miysan mudneyn qadarin?

U dhimri wadaadada, ixtiraam culimada, hana saarin wax ka badan amsuuliyadooda illaahay adiga iyo anigaba ha noo naxariistee.

Wabillaahi Towfiiq

Xasan Maxamuud Qorane.
26-Feebaraayo-2019
1:31 AM
Kismaayo Soomaaliya.

Comments

comments

Leave a Reply

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.