Ganacsatada Oo Cirro La Kulmay: Sawirro

0
Ganacsatada Oo Cirro La Kulmay: Sawirro

Guddoomiyaha xisbiga Waddani Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi Cirro iyo masuuliyiinta kale ee xisbiga ayaa xarunta guud ee xisbiga kula kulmay guddida ku hawlan dhexdhexaadinta mucaaradka iyo madaxweyne Biixi.

Guddida ayaa diiday in ay warbaahinta wax faahfaahin ah siiyaan sidoo kalena xisbigu wax war ah kama soo saarin waxyaabaha ay ka wada hadleen.

Hoggaamiyaha xisbiga Waddani Xirsi Cali Xaaji Xasan ayaa sheegay in saddex ergo oo u timid xisbiga Waddani aanay midna wali indho saarin madaxweyne Biixi taas oo uu ku macneeyay in uu ka meeraysanayo.

Xirsi oo xarunta xisbiga kula hadlay saxaafaddu wuxuu sheegay in aan xisbiga Waddani lagu khasbi doonin Komishanka iyo muddo kordhinta Baarlamaanka waxaanu talo maroorsi iyo kalitalisnimo ku eedeeyay madaxweyne Biixi.

Comments

comments

Leave a Reply

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.