Gacan Ka Hadal Dhexmaray Faysal & Axmed C-Dheere

0
Gacan Ka Hadal Dhexmaray Faysal & Axmed C-Dheere

Gacan Ka Hadal Dhexmaray Faysal & Axmed C-Dheere
Guddoomiye ku-xigeenka labaad ee xisbiga KULMIYE Axmed Cabdi Dheere ayaa la sheegay in uu xalay wajiga mobile iPhone ah kaga dhuftay guddoomiyaha xisbiga UCID Faysal Cali Waraabe, ka dib is af-dhaaf dhex maray labada guddoomiye.

Arrintan oo ka dhacday Hudheelka Maansoor ee magaalada Hargeysa ayaa waxa la sheegay in dhaawac uu wajiga ka soo gaadhey guddoomiye Faysal Cali Waraabe.

Axmed Cabdi Dheere guddoomiye xigeenka Kulmiye ayaa dhawaan dhawr jeer saxaafadda uga jawaabay Eng Faysal oo xukumadda madaxweyne si weyn u dhalliilay bilihii la soo dhaafay.

Source: Suxufi Khaalid Foodhaadhi

Comments

comments

Leave a Reply

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.