Gabyaagii weynaa ee geeljiraha ahaa ee Cali-Dhuux Aadan Gorayo, wax uu lahaa sifooyinka gobannimada: Ibraahin Hawd

0
Waa maxay Ahli Sunnah wal Jamaacah?Ibraahim Hawd

Gabyaagii weynaa ee geeljiraha ahaa ee Cali-Dhuux Aadan Gorayo, wax uu lahaa sifooyinka gobannimada. Macnaha molosha wax uu u yaqaannay in uu ilaaliyo gobannimada tolka oo qudha. Laakiin qarnigiisii tolkii Dhulbahante waxaa ku dhacday masiibo weyn oo ahayd colaaddii Daraawiisheed oo si aad iyo aad u xun reerka u saamaysay. Tobanlayaashii sannadood ee Daraawiishta ka horreeyay Dhulbahante wax uu ka mid ahaa reeraha soomaalida u gu tayo roon xagga faraha, xoolaha, dagaalyahanka iyo fardaha.

Daraawiishtu kolkii ay soo baxday waa la ga diiday oo la ga caydhiyay Carro Habar Yoonis oo ay ka dhisantay iyo Carro Ogaadeen oo ay hawaysatay labadaba. Aakhirkiina wax ay ku habsatay oo gacan bir ah ku xukuntay Carro Dhulbahante. Reerkaasi haddaba Daraawiish aad iyo aad buu u eeday. Waa mare, kolka la ga reebo Axmed Garaad badidiisa iyo reeraha la oodda ah, Ina Cabdulle Xasan inta kale oo dhan wuu qabsaday, oo inta uu qabiilnimadoodii dumiyay oo u dawladeeyay ayuu koodii iswaalaba birta ka aslay, ilaa Garaadkii. Waa marka labaade, ciidanka u gu badan ee uu ku dagaallamo ee meel walba ku dhintaa iyaga ayay noqdeen. Waa marka saddexaade, duullaannada ay reeraha kale iyo Ingiriisba Daraawiish ku soo qaadaan ragga u gu badan ee ku le’daa isla reerkaas bay noqdeen. Waa ta afraade, kol haddii ay mucaarad iyo muxaafid u ka la jabeen dhexdooda aad bay isu gumaadeen. U gu dambaynna kolkii Daraawiishi jabtay reerka u gu daran ee la jabay ee nabarku ku dhacay wax uu ahaa Dhulbahante. Dabadeed colaaddaasi wax ay dhammaatay iyaga oo dad iyo duunyaba daadduumay.

Cali-Dhuux oo abbaanduule iyo gabyaa u ahaa Dhulbahantaha Daraawiishta la colka ah ayaa maalin uun arkay tolkii oo mood iyo noolba ka faro madhan, oo haad iyo haanraawe boobay. Dabadeed wax uu badbaado u arkay in reerihii uu gabyaaga iyo abbaanduulaha u ahaa la gaashaanbuuroobaan Isaaqa Hawd, siiba Habar Yoonis, oo dad iyo duunyo iyo dalba aad u tanaadday. Qalqaalo xoog leh oo Habar Yoonis geela Ogaadeen ku soo dhacayso ayuu sidaa qayb ka ga noqday Cali-Dhuux. Ogow oo isagu labada qoloba xidid iyo inanlayaal buu u ahaa.

Maalin dambe ayuu Cali-Dhuux fekeray, waayo gabyaaga ayaa ahaa mufakirka, siyaasiga iyo afhayeenka tolka intaba. Wax uu maleegay fidno ay ilaa maanta dadku dhibsadaan laakiin aan anigu ka garaabo waqtigeeda. Wax uu isku diray Ogaadeen iyo Habar Yoonis oo labaduba maalintaa Dhulbahante aad u ga tugtug roonaa, si ay isugu jabaan halkaana tolkiisu fakaag nololeed u ga helo. Wax uu tiriyay maansadii caanbaxday ee Guba. Sidii uu doonayay ayayna u dhacday oo labadii cidood waa ay isku idlaadeen oo fiinta ayaa dhex miratay.

Wax ay taariikhdu socotaba, Ingiriis oo soomaalida isku jabtay ka faa’iidaysanaya ayaa dalkii ka dawladeeyay, cidda diiddana waxaa la qoray fallaago duurgal ah oo takooran. Xaaladda oo caynkaas ah baa la dilay oday reerka Cali-Dhuux ka dhashay oo bulshada gobolka oo dhan qaali u ahaa, kaas oo ku baxay gacanta geeljire Habar Yoonis. Ingiriiska ayaa se dhacdadaa ka dawladeeyay oo dhawr nin oo dilkaa ku eedoobay xukun ku toogtay.

Hayeeshee Cali-Dhuux nin sharci iyo dawladnimo aqoonsan ma ahayn ee wax uu gocday qabyaalad iyo aano. Dabadeed wax uu tolkii ku guubaabiyay tixda u gu qallafsan ee weligeed nin soomaaliyeed tolkii ku guubaabiyay. Dhaqan ahaan gabyaagu marka qudha ee uu tolkii gabay ku caayaa waa marka uu guubaabinayo, cayna ma noqoto si wal oo ay u foolxumaato guubaabadaasi. Cali-Dhuux maalintaa wax uu yidhi:

Gun baan ahay gambool baan xidh nahay iyo gar naagoode,
Gashaantida sideedoo kalaan guur u sugayaaye,
Anigiyo hablaha loo galmoon waan gudboon nahaye…

Tolow maxaan qisadan ku keenay? Mooyi… illaaway.

Comments

comments

Leave a Reply

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.