“Gabooyaha Kii Fanaanka ahaa Iyo Mu’aadinkiiba Shaqaanu Siinay Ee Barkhadaw..”Maayirka Burco.

0

Maayirka Degmada Burco Al-Ustaad Maxamed Yuusuf Muraad ayaa hadaladii ugu adkaa ku ganay Hal-door Barkhad Bootaan oo kamida Xisbiga Waddani ,Maayirka burco ayaa barkhad ku eedeeyay inuu kicin iyo rabshad galin ka wado xaafada daami ee magaalada hargaysa  waxanu maayirku sheegay in ay shaqaalaysiyeen dad tiro badan oo ka soo jeeda beelaha la hayb sooco  iyagoo aan soo marin barkhad oo hor jooge u ah beeshaasi .

 

ina-muraad

Maayirka oo arrimhaasi ka hadlaya waxa uu yidhi “Caawa Xisbiyadii Mucaaridka ayaa xafladan la dagaalanka qurbajooga inoogu soo dhuuntay,dawacadu siday adhiga u dhamayso waxay soo xidhatay khamiis imika imika xisbiyadii mucaaridku waxay soo gashadeen khamiiskii qabyaalad diidka ”.

Maayirka oo farta ku fiiqaya Barkhad bootaan ayaa yidhi “Barkhad ayaan la hadlayaaye Gabooye kii heesaayay iyo kii Masaajidka ka aadimayayba dawlada hoose ayaanu qornay ,barkhad manaan soo marin ,dadka an masuulka ka nahay ayay ka mid yihiin , hadii wax khaldameen in wax lasaxaa waa waajib ,laakiin haday waxnaga khaldameen in ciidan aad soo uruursataa suuragal maaha  ,burcana qabyaalad baa taala waanu ka doodaynaa ”.ayuu yidhi Maayirka Burco.

Comments

comments

Leave a Reply

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.