“Gabiley In Aanay Abaal Muuse Ka Helayn Hore Ayaan U Sheegay..” Sheekh Ciise Sh Muxumed

0
“Gabiley In Aanay Abaal Muuse Ka Helayn Hore Ayaan U Sheegay..” Sheekh Ciise Sh Muxumed

“Gabiley In Aanay Abaal Muuse Ka Helayn Hore Ayaan U Sheegay..” Sheekh Ciise Sh Muxumed

Gabiley ( Sayruuq) Ciise Sheekh Muxumed Warseme oo kamid ah culimada magaalada Gabiley , isla markaana kamid ah siyaasiyiinta Xisbiga WADDANI, ayaa si weyn u taageeray haddal kasoo yeedhay Sheekh Aadan Sirro oo uu Nuxurkiisu ahaa in loo baahanyahay Somaliland cadaalad ku dhisan oo la wada leeyahay

Sheekh Ciise Sh, Muxumed Warsame oo magaalada Gabiley kula haddlay Tv-ga SBC, ayaa haddalkiisu u dhignaa sidan “maalin dhaweyd waxaan arkayey Sheekhul baladka Hargeysa Sh. Aadan Siiro oo kelmad xaqa oo meesha qabata ka haddlayey kuna dhawaaqay inay noqoto Somaliland meel cadaalad hesha la wada leeyahay inay noqoto, waa kelmad illaahayna yidhi Nebi Muxamed-na yidhi “ CSW”..”.. Ayuu yidhi  Sheekh Ciise

Dhanka kalene Sh. Ciise ayaa duray Madaxweyne Biixi, isagoo sheegay in aanu abaalka celin aqoon, isagoo farina u diray bulshada reer Gabiley“ Gabiley in aanay abaal Muuse ka helayn hore ayaan u sheegay maantana waan cadaynayaa, reer Gabilayow weligii Muuse nin abaal u taray ma xasuusan.”

Sayruuqnews

Sayruuqnews@gmail.com

Comments

comments

Leave a Reply

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.