Gabadh Kala Furtay Nin Iyo Xaaskiisa Iyaga Oo Aan Ogayn!

0

Haweenay ku nool Muqdisho oo ka maseertay haweenay kale oo ninkeedu la qabay ayaa ku guulaysatay inay kala furto ninkeedii iyo xaaskiisa kale iyada oo labadooda wax khilaaf ahi dhex oolin .
haweenaydan oo xidhiidh la lahalayd maxakamad ku taalla Muqdisho ayaa dedaal u gashay sidii warqad sharciyeysan oo ay ku kala furayso ninkeeda iyo gabadha uga soo saari lahayd maxakamadda iyada oo labadooda midna ogayn .
waxay ku qancisay maxakamadii in labada qof ay iyadu wakiil ka tahay dariiq ay martayba , waxayna maxakamadii soo saartay warqad ay labada lamaane ku kala furayso iyada ayaana gabadhii gacanteeda ugu gaysay una sheegtay in ninkii ka dhexeeyey uu iyada furay sidaasina ay hada ka dib ku madax banaantahay
arrintan ayaa dhalisay dood iyo inay kala shakiyaan haweenaydii maxakamadu furtay iyo ninkii waxaana weli taagan khilaafkii wayna dhici kartaa in ay gabadhaasi qorshaheeda ku guulaysato maxaa yeelay in qaabka ay wax u dhaceen lafteeda la fahmo oo ninku ba’ri noqdo ayaa adag .
maxakamadaha Soomaaliya waxay soo saaraan go’aano ay marar badan maqanyihiin ciddii dacwadu toos ula xidhiidhay

Xigasho: Wariye Cumar Seerbiya

Muqdisho-Soomaaliya

Comments

comments

Leave a Reply

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.