Gaastii Ugu Badnayd Oo Laga Helay DDS

0
Gaastii Ugu Badnayd Oo Laga Helay DDS

Gaastii Ugu Badnayd Oo Laga Helay DDS

Wasaaradda Macdanta iyo Shidaalka ee dalka Itoobiya ayaa shaaca ka qaadday Shirkad dhinaca Tamarta ah oo laga leeyahay dalka Britain ee New Age (African Global Energy Ltd) iney deegaanka Soomaalida dalka Itoobiya ka heshay keyd gaaska dabiiciga ah oo gaaraya 1.6 Trillion Cubic Feet.

Wasiiru dowlaha wasaaradda Macdanta iyo Shidaalka ee dalka Ethiopia Guang Tulam oo u warramay wargeyska The Reporter oo ka mid ah wargeysyada gaarka loo leeyahay ee ugu afka dheer dalka Itoobiya ayaa sheegay iney shirkadda baaritaan muddo wadday ay ku heshay keyd gaaska dabiiciga oo garaya 1.6 Trillion laga helay Deegaanka Hala-quraan.

“Hadda waxaan ka shaqeyneynaa sidii aan gaaskaasi dalku uga faa’ideysan lahaa iyo siyaabaha ugu habboon oo lagu suuq geyn karo.” ayuu yiri Guang.

 Halkan kaga bago warbixin faahfaahsan oo BBC-du ka qortay gaasta la helay

Comments

comments

Leave a Reply

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.