“Fikrad Kama Haysan Sida Somaliland Ugu Guulaysatay In Jabhado Noqdaan Militari Midaysan,”Micheal Rubin

0
“Fikrad Kama Haysan Sida Somaliland Ugu Guulaysatay In Jabhado Noqdaan Militari Midaysan,”Micheal Rubin

“Fikrad Kama Haysan Sida Somaliland Ugu Guulaysatay In Jabhado Noqdaan Militari Midaysan,”Micheal Rubin

Hargeysa(Sayruuq) Micheal Rubin oo ah siyaasi Maraykan ah oo dhawaan socdaal ku yimid Somaliland ayaa waraysi uu siiyay Warbaahinta Somalilandchronicle waxa uu tafaasiil kaga bixiyay waxyaabaha uu ku arkay Somaliland ee soo jiitay.

Mr Rubin waa khabiir wasaaradda gaashaandhigga ee Maraykanka kala soo shaqeeyay dalalka Ciraaq iyo Suuriya haddana madax ka ah hay’adda American Enterprise Institute (AEI) oo Maraykanka culays ku saarta hagaajinta siyaasaddiisa arrimaha dibadda.

Waxa uu sheegay in markii u horaysay uu Somaliland muhiimadda horumarka ay samaysay uu dareemo toban sanno ka hor ka dibna ay si tartiib tartiib ah ugu sii badanaysay in uu wax ka ogaado waxaanu ugu dambeyn yimid dhawaan si uu wax uga barto dhismaha dawladnimada iyo sida ay nabaddu ku timid maaddaama uu duruus ammaanka ku saabsan ka bixiyo jaamacado siiba arrimaha Bariga Dhexe oo uu wax ka dhigo.

Mr Rubin waxyaabaha soo jiitay ee uu hadda uun ogaaday waxa ka mid ah sidii Somaliland u samaysay ciidamada Qaranka oo laga soo qaaday hub ka dhigid iyo midayn maleeshiyaad kala duwana “Ka hor intii aanan bookhan Somaliland wax fikrad ah kama haysan sida Somaliland ugu guulaysatay in jabhado kala duwan midayso oo ka dhigto Militari midaysan. Arrintani runtii waa mid uga iibsamaysa fagaaraha caalamiga ah. Tusaale ahaan bal ka fikir, imisa bilyan oo dollar ayuu Maraykanku ku bixiyay midaynta jabhadaha hubaysan ee Ciraaq. Somaliland waxay leedahay waayo aragnimo iyo hannaan ay kaga dayan karaan dalalka kale haddii ay ka war qabaan taariikhda Somaliland iyo horumarkeeda,” Sidaas ayuu yidhi Mr Rubin.

Mr Rubin oo aamminsan in aanu Maraykanku ku sii dhegganaan fikradda Muqdisho wadato ee midaynta Somaliland iyo Somalia waxa uu sheegay in danta dawladaha Soomaalidu ku jirto in ay iyagu aayahooda go’aansadaan “Istaraatijiyadda u fiican Jabuuti, Somaliland iyo Soomaaliya waxa weeye in mid walba horumariyo sida uu u arko in ay u fiican tahay kuna noqon karaan meesha ugu nabadda badan, dhaqaale ahaanna ay noqon karaan kuwo guulaystay. Haddii mustaqbalka ay doonayaan in ay midoobaan waa xaq dimuqraadi ah oo ay leeyihiin haddii dhammaan shacabbadoodu isku raacaan sidaas,” Sidaas ayuu yidhi Mr Rubin oo intaasi raaciyay haddii Maraykanku taageero aragti ah in la isku khasbo midnimo Somaliland iyo Somalia ah ay taasi halis gelinasyo dimuqraadiyadda iyo deganaanshaha labada dhinac.

Mr Rubin oo wax laga waydiiyay muhiimadda meesha ay dhacdo dekedda Berbera ayaa sheegay in aanu hadal ka taagnayn muhiimadda siyaasadeed ee halka y Somaliland ku taallo “Midhka aan u baahnayn in wakhti lagu lumiyo waa in Pentagon-ku(Wasaaradda gaashaandhigga Maraykanku) aqoonsado muhiimadda istiraatijiyadeed ee halka ay Somaliland ku taallo. Marka la eego Jabuuti, maalgalinta balaadhan ee Shiinuhu galiyay ayaa abuurtay walaac weyn oo ah in Shiinaha oo dantiisa eeganaya ee Jabuuti ku khasbo in ay Maraykanka saarto,” Sidaas ayuu yidhi Rubin.
Siyaasadda Maraykanka Ee Afrika Kama Maaranto Somaliland
Ugu dambeyn waxa uu ka digay in ay sii socdaan dib u dhacyada doorashooyinka Somaliland oo meesha ka saaraya sumcadda Somaliland ee dhanka Dimuqraadiyadda waxaanu taageeray in ay dhexdhexaadinta Somaliland iyo Soomaaliya galaan dalal dhawr ah oo reer Galbeedku ku jiro. Waxa uu siyaasadda Turkiga ku tilmaamay mid aan ogolayn gooni isu taagga Somaliland si buuxdana u taageersan Muqdisho. Waxa kale oo uu dawladdiisa Maraykanka uga digay in ay soo kabashada Soomaaliya u aragto iyada oo lacagta oo dhan galisa Muqdisho laakiin, ay Somaliland mudan tahay taageero.

Source: Wargeyska Waaberi
Sayruuqnews
Sayruuqnews@gmail.com

Comments

comments

Leave a Reply

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.