Faysal Olole Ka Bilaabaya Qurbaha

0

Guddoomiyaha Xisbiga Ucid Mudane Eng Faysal Cali Xuseen Oo Qaaradda Yurub Ka Bilaabi-doona Socdaal La Magac-baxay,”Socdaalkii Midnimada Qurbo-joogta”.

Guddoomiyaha Xisbiga UCID Eng Faysal Cali Waraabe ayaa Maalmaha Soo socda safar ku tagi-doona wadamo ka mid ah qaaradda Yurub.
Ujeedada socdaalka Gudoomiyaha ayaa ku qotonta Sidii uu Midnimo uga dhex dhalin-lahaa qurbo-joogta Reer Somaliland Ee ku kala qeyb-samay doorashooyinkii ka dhacay dalka.
Gudoomiyaha ayaa Kulan-balaadhan Waddanka SWEDEN kula yeelanaya Jaaliyadda Reer Somaliland ee ku dhaqan halkaasi, iyadoo arrimaha ugu muhiimsan ee la isla soo qaadi-doono ay ka mid yihiin, Kor u qaadista Dimuqraadiyadda Somaliland, Adkaynta Midnimada Somaliland, iyo qodobo kale oo ku tacaluqa Qaranimada Somaliland.
Gudoomiyaa ayaa Dalka Sweden soo gaadhi-doona Maaalinta Sabtida ee taariikh-du tahay, 19/10/2019.

Comments

comments

Leave a Reply

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.