Faysal Cali Wareebe Oo Khudbad Isugu Jirta Waano, Canaan, Dhiiri-galin, Dardaaran iyo Talooyinba U Soo Jeediyey Golaha Guurtida

0

Hargeysa(Sayruuq):-Guddoomiyaha xisbiga mucaaradka ah ee Ucid Eng.Faysal Cali Waraabe, ayaa khudbad aad u dheer oo isagu jirta dardaaran,dhiiri-galin, ammaan, canaan iyo talooyinba u soo jeediyey odeyaasha aqalka golaha Guurtida Somaliland, waxaana uu sheegay in golaha Guurtida Somaliland ay yihiin cida qudha ee mar walba qaranka Somaliland uu ma jiirto, soona gaadhsiiyey heerka ay marayso, isaga oo sida oo kalena carabka ku dhuftay in wax laga xummaado ay tahay in xukuumad kasta marka ay ku guul daraysato in ay doorasho ka qabato dalka ay u sameeyaan muddo kordhin aan sharci ahayn, waxaana uu tilmaamay in maanta loo baahan yahay in golaha Guurtidu ay badbaadiyaan qaranka Somaliland si aanay dalka uga dhicin dhibaatooyin ka dhasha muddo kordhinta ay samaynayaan.

Eng.Faysal Cali Waraabe, ayaa hadalkan ka sheegay mar uu shalay la hadlaayey guddiga golaha Guurtidu saaray ka soo baaraan degga muddo kordhinta, waxaa uu sida oo kale uu faah faahin ka bixiyey qaabkii ay saddex xisbi qaran iyo Guurtidu ay uga wada-tashadeen muddo kordhinta loo samaynaayo xukuumada Siilaanyo, isaga oo sheegay in uu ka xun yahay in guddoomiye Cabdiraxmaan Cirro aanu ka soo xaadirin kulankii loogu balan sanaa fulinta heshiis soo jeedin ah oo ku saabsan muddo kordhinta oo ay isla soo meel dhigeen saddexda xisbi qaran. “Arrintan muddo ayey innagu soo noqnoqotay, sababta ay innoogu soo noqnoqtayna waa tamar darnaanteena, Shan sanno ayeynu haysanay oo haddii shantaas sannoo la wada shaqayn lahaa oo dawlada xilka haysaa ay ka soo bixi lahayd xilkeeda,may dhacdeen arrintani maanta. Waxaa caado innoo noqotay in dawlad xilkeedii ka soo bixi wayday aynu had u siino in aan wakhtiga u kordhino, halka ay naruurada ka haysataana waa odeyaashiina magaca Somaliland-na dadka gaadhsiiyey halka ay marayso ee dadka aanu dheerayn waa idinka, laakiin marka halkan oo kale ay marayso waxaa aad u eeg tihiin in aad heeryadiina aad cunaysaan, marka madaxweyne iyo dawlada ka soo bixi wayday xilkeedii sannad kasta warqad idiin soo qoraysa, oo ay leedahay doorasho waan qaban kari waayey ee ka soo taliya distoorkeena raacoo. waa guul darro weeyaan, innaga waxa aduunku innagu caawiyaan maaha wax badan, laynama icitiraafsana, laynama jecla se Alleh SWT ayaa inna jecel e’, laakiin waxa la innagu tix-geliyaa waa nidaamka iyo doorashooyinka, waad og tihiin oo dawlada Puntland iska daa wax kale oo dawlado hoose ayey qaban kari waayeen.”.Ayuu yidhi Eng.Faysal Cali Waraabe.

Guddoomiyaha xisbiga Ucid Eng.Faysal Cali Waraabe oo sida oo kale hadalkiisa sii wata, ayaa waxaa uu yidhi:“Innaguna maanta waxay iynu ku soconaa in aynu qabano tii Shanaad, waa waxyaalaha aduunka innoo soo jeedinaaya, innaga oo Soomaali u hooseedka u ahayn oo tusaalaha Geeska Afrika ahayn in aan raadkeenii dib u raacnaa waa innagu doqonimo, waa markii Shanaad ee aan idin hor immaado illaa 2002dii, waxaan ahay ninka ugu dheefta yar dalka, mushahar kuma lihi, dhulna kuma lihi, caruurtaydana waad ogtihiin oo Jabhadaha ka dagaalama ciraaq ayey qaarkood ku biireen, waxa aan maalin kasta halka u jooga waxa weeyaan oo ceebi iga raacda marka aan sameeyo wanaag iyo tanaasul qaranba in la yidhaahdo Lacag ayaa uu qaatay, magacaygii sidaas ayaa loo baa’biinayaa, kolba qolada waalata ayaa igu waalata, xaaji Cabdi Waraabe illaa maalintii uu caaqilka noqday sidaas ayaa loo haystay, waa Somaliland oo qofka wanaag ka taliya ee magac la kaca waxaa uu noqdaa tilmaan marka la yaabi maayo, siyaasiyiinta oo dhan Maxamed Xaaji Ibraahim Cigaal ayey nebcaan jireen hadana waxaa uu ahaa ninka qudha ee loogu qaatay siyaasiyiinta Soomaalida oo dhan.”.

Eng.Faysal Cali Waraabe, waxaa uu sida oo kale sheegay in qaranka Somaliland ay dugsanayaan cadaw badan oo ku hareeraysan isla mar ahaantaana golaha Guurtida looga baahan yahay in ka shaqeeyaan badbaadinta qaranka Somaliland.

“Odeyaashiina waxaa loo baahan yahay in aad wanaaga ka talisan, Saddex xisbi ayaan ahayn oo ay ahayd in aanu meel iskugu nimaadno, oo meel dhaxe inta aanu isagu nimaadno aanu mas’uuliyadii dib idiin ku soo celino, Saddexdii xisbi iyo wasiir ka tirsan xukuumaduna annaga ayaa guddoomiyaha ka codsanay in uu maanta kulan noo qabto, waxa aanu kala door bidnay ma warqada ayeynu u akhrinaa mise waxaa aynu saarna culays oo warqada ayeynu israacinaa. waxaa naga soo horeysay Guurtidii tooda ayey wadanayaan, Cabdiraxmaan Cirrona waxaa uu yidhi waar haday tooda wadanayaan maxaynu ka saxeexaynaa oo aanay Guurtidu inna tix galinayna oo caalamka tix-galinayn maxaa aynu ka saxeexaynaa, annaguna waxaan ku nidhi waar aan xujaynee aan saxeexno,Cabdiraxmaan waa kaas oo waa soo gali waayey, amma Cabdiraxmaan u hiiliya ama annaga noo hiiliya, xaalada aynu maanta ku jirnaana waa ay adag tahay, cadaw badana waa aynu leenahay, Cabdiraxmaan-na gar ayaa uu u leeyahay in uu diido oo Ilmaadeeradii ayaa u sheegay in ay Sannad intaa ka badan ay kordhinayaan, waxa weeye haddii maanta aad arrintaas iga diidaan anigu Somaliland waan ka tegayaa, ma doonayo in aan taariikh xun aan ka qayb galo la yidhaahdo yaa mudakar ahaa markii ay Somaliland qaska gashay oo Somaliland qas ayey galaysaa waan ogahay, waxa suuqa yaala ayaan ogahay, tabaabushaha ayaan ogahay, cadawga gacanta soo galinaaya ayaan ogahay, Cabdiraxmaan waa uu shakiyey uun ee haddii maanta aad shakigaas ka saartaan, waxaan idin leeyahay Ilmaadeerayaal qaranka u hiiliya.”.Ayuu yidhi Eng.Faysal Cali Waraabe.

Xigasho:Geeska

Comments

comments

Leave a Reply

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.