Faysal Cali Waraabe Oo Sheegay In Xalka KULMIYE Ku Jiro Imaatinka Madaxwaynaha Somaliland

0

Hargeysa (Sayruuq)-Guddoomiyaha Xisbiga Mucaaridka ee Ucid, ayaa madaxweynaha ugu baaqay wax ka qabashada xiisada Kulmiye, wuxuuna ku booriyay inay raacaan sharciga xisbigooda.

“Awal hore waxaa iska hor jeeday Xukuumadda iyo Xisbiyada iminka waxaa iska horjeestay xisbigii xukunka hayay markaa waxaan jecelahay inuu Madaxwaynuhu dhakhso u yimaado, arrintan Kulmiyena xeerbaa jiree waa in xeerka la raaco” sidaasi waxa yidhi Faysal Cali Waraabe oo ka hadlay xaaladda KULMIYE.

Geesta kale Faysal wuxuu  dawladda Ethiopia ku bogaadiyay siday dhawaan xukumadda Somaliland ugala shaqaysay ammaanka xuduuda Ethiopia iyo gobolka Awda , waxaana uu yidhi waxaan kale oo aan jecelahay inaan tahniyadeeyo dawladda Ethopia oo talaabo ka qaaday Wabar iyo qolooyinkii la socday” waxaana uu intaasi raaciyey “waxaanan tacsi udirayaa dadkii ku dhintay weerarkii badhaasaabkaiyo dhallinyaradii ciyaaraha ku dhimatay arrimahaasna anigu door ayaan ka ciyaaray laakiin annagu kuma faano dee” ayuu yidhi Faysal Cali Waraabe oo kelmadaasi ula jeeda Xisbiga WADDANI oo warbaahinta u oo bandhigay kulan ay xaaladda gobolka Awdal kala kulmay Madaxwayne kuxigeenka Somaliland.

Comments

comments

Leave a Reply

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.