Faysal Cali Waraabe Oo Sheegay In Furfurka Shacbiga Somaliland Uu Sii Fidaayo

0

Faysal Cali Waraabe Oo Sheegay In Furfurka Shacbiga Somaliland Uu Sii Fidaayo
Hargeysa(Sayruuq)-Guddoomiyaha xisbiga mucaaradka ah ee Ucid Eng.Faysal Cali Waraabe ayaa sheegay in aan mucaaradka dalka looga baqayn ee looga baqaayo madaxweynaha talada dalka haya Muuse Biixi Cabdi, waxase eeddaas ka jawaabay Wasiir ka tirsan xukuumadda Madaxweyne Biixi oo madasha ku sugnaa.

Guddoomiye Faysal waxa uu ku celiyay in furfurka shacbiga Somaliland uu sii fidaayso, isla markaasna aanu Madaxweynuhu maqlayn talooyinka la soo jeedinaayo, waxaanu sidan ka sheegay xaflad uu kaga qaybgalay arday ka qalin jabinaysay jaamacadda New Generation ee magaalada Hargeysa,waxaana isaga oo arimahan ka hadlaayay uu yidhi “Ilaa ntii ay dawladan Muuse dhalatay dalku waa uu furfurmay shacabigu waa uu furfurmay quluubteenu waa ay kala tagtay waa in quluubta dadka laysku soo celiyaa, xalay (Habeen hore ) waxaan daawanayay niman reer Somaliland ah oo tuute xidhan oo Qardho ka soo hanjabaayay, Tukaraq ayaynu tagnay maxaynu ka faa’idaynay sumcadeenii eber ayay ka dhigtay waayo dacaayada ayaa laynaga badiyay, waa layna kala dhex galay heshiis ayaa la sameeyay Cabdiwali waa uu diiday maxuu u diiday gudaheena ayuu ogyahay.”
“Muuse Nin Reereed Ayuu Noqon Doona,” Eng Faysal
Daawo Waraysi Kulul: “Anigu Hablaha Yaryar Ee U Heesa Ma Ihi,” Eng Faysal Cali Waraabe

Guddoomiye Faysal oo hadalkiisa sii wataa waxa uu yidhi“Muuse maanu mucaaradin waxaanu jeclnahay maadaama oo uu dalku meel khatar ah maraayo inaan gacan siino, waa la fadhiistay oo waanu ku akhrinay si niyad ah ayaanu ugu akhrinay oo waxaan ku idhi wax ma kugu dageen waxaanu yidhi Alle ayaa og, anaga hanooga biqina,Waddani dalka hawga biqina,caare hawga biqina ee Muuse uga baqa.”

Laakiin wasiirka ciyaaraha Boos Mire Maxamed, oo isna halkaas ka hadlay ayaa si cadho leh uga jawaabay hadalka Faysal, waxaanu yidhi “Halkan waxa ka hadlay guddoomiyihii Ucid waxa uu yidhi in dekadii la balaadhinaayo, madaarkii, kooridhoorkii la samaynaayo ayuu haddana yidhi siyaasadeenii dibadu waa ay xumaatay, siyaasada arimada dibada xukuumada Muuse Biixi waa ta keentay horumarka iyo xukuumadii ka horaysay ee Kulmiyeba, labada jeerba mar uu afar helay ayaa uu ugu badnaa dadku waa uu garanyaa ninka uu dooranaayo, taariikhudu yaanay idinka anban wadankan isaga oo rag u baahan oo u baahan in loo dagaalamo ragii u soo dagaalamay waa uu joogaan Faysalna waa uu ka weynaa Faysal maalintaas maxuu ahaa bal is waydiiya maalintaas waxa uu ahaa ma kii kuu dagaalamayay mise kii kula dagaalamayay, maanta dalku hadduu xumaadana ragii u dagaalami jiray ayaa u dagaalamaya.”

Sayruuqnews
Hargeysa-Somaliland
sayruuqnews@gmail.com

Comments

comments

Leave a Reply

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.